IlAAHAY WAA KELIGIIS
“Magacaagu waa Rabbiga. Ha ogaadeen inaad adiga oo keliyahi tahay Ilaaha ugu Sarreeya dunida oo dhan” (Sabuurradii 83:18).
Markhaatifurka Masiixiyiinta:
Masiixiyiintu waxay rumaysan yihiin Ilaahay, kaas oo MID ama KELIGIIS ah. Aayadda furaha u ah midnimada Ilaahay waa tan ku jirta Towreedda nebi Muuse: “Maqal Israa’iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya. Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan” (Sharciga Ku-noqoshadiisa 6:4-5). Ilaahay wuxuu kuwa Isaga aaminsan ku amray inay erayadan baraan carruurtooda, oo ay Ilaahay ka hadlaan marka ay guryahooda joogaan, marka ay socdaal ku jiraan, subaxdii iyo fiidkii, oo ay erayadan ku xidhaan gacmahooda iyo qoortooda, oo ay ku qoraan albaababada hore ee guryahooda (Sharciga Ku-noqoshadiisa 6:6-90).
Ilaahay Waa Mid:
Ilaahay waa mid, oo wuxuu inagu amrayaa inaynu Isaga si buuxda oo u jeclaano. Waa doonista Ilaahay inay nolosheena oo dhammi ay Isaga noqoto. Midnimada Ilaahay iyo amarka ah inaynu Isaga jeclaano ayaa waxbaridda Towreedda udub-dhexaad u ah. Kun sannadood nebi Muuse kaddib, ayaa Ciise Masiix la weydiiyey, “Macalimow, Qaynuunkee baa ka muhiimsan kuwa kale oo dhan?” Ciise Masiix wuxuu ku jawaabey, “Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya. Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ku jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan” (Injiilka, Markos 12:28-30).
Towreedda nebi Muuse iyo Injiilka Ciise Masiix waxay labaduba isku raacsan yihiin inuu Ilaahay mid yahay. Waxaa la inagu amray inaynu jeclaano Ilaahaas keligiis ah. Ilaahay oo keliya ayaa u qalma inaynu si buuxda daacad ugu ahaano oo caabudno.
Ilaahay Maaha…:
Muxuu Ilaahay ugu qalmaa inuu xaq u lahaado daacadnimadeena iyo jecaylkeena oo dhan? Sidan ayuu Ilaahay u qalmaa waayo KA UU ISAGU YAHAY. Laakiinse waa kuma Ilaahay? Si aynu u fahano waxa Ilaahay la inooga sheegay ee Baybalka ku qoran waxaa ina caawinaysa inaynu marka hore eegno waxa uusan Ilaahay ahayn. Muxuusan Ilaahay ahayn (ka nasahan yahay)?
Ta koowaad, Ilaahay maaha wax ay bini’aadanku maskaxdooda ka abuurteen ama mala-awaaleen. Isagu maaha, sida ay khubaro cilmiga saykoologiga ku takhasusay yidhaahdaan, baahi saykoologi ahaaneed oo maskaxda bini’aadanka ka timid (a pyscho-projection). Sida Baybalka ku cad, dhammaan ilaahyada bini’aadanku samaysteen waa been (Hoosheeca 13:2-3). Ilaaha keliya ee runta ahi ma aha abuuritaanka bini’aadan maskaxdiisa, waayo Ilaahay oo keliya ayaa ah Abuuraha.
Ta labaad, Ilaahay sina uma aha qayb ka tirsan bii’adda (nature). Ilaahay, Isaga ayaa adduunka abuuray. Ma jiro wax ama qayb bii’adda ka tirsan oo Ilaahay ah; Ilaahay wuu ka duwan yahay abuuritaanka. Waa sababtan ta uu Baybalku u eedeynayo caabudaada sanamyada la qoray. Ma jiro wax ama qayb bii’adda ka tirsan oo u qalanta in la caabudo. Ilaahay oo keliya, Abuuraha, ayaa u qalma caabudaadeena iyo daacadnimadeena oo buuxda, “Waa inaadan samaysan sanam xardhan, ama wax u eg waxa samada sare jira, ama waxa dhulka hoose jira, ama waxa biyaha dhulka ka hooseeya ku jira. Waa inaadan iyaga u sujuudin ama u adeegin, waayo, aniga Rabbiga Ilaahaaga ah waxaan ahay Ilaah masayra, oo xumaantii awooweyaasha waxaan soo gaadhsiiyaa carruurtooda tan iyo farcanka saddexaad iyo kan afraad oo kuwa i neceb ah, oo waxaan u naxariistaa kumanyaal ah kuwa i jecel oo amarradayda xejiya” (Baxniintii 20:4-6).
Oo bini’aadanku bii’aadda ma soo gelayaa ama waxa la abuuray? Haa, hubaal Ilaahay maaha bini’aadan. Muslimiinta ayaa u maleeya inay sir weyn oo hor leh ogaadeen marka ay akhriyayaan suuradda Al-Ikhlaas ee ka hadlaysa inuusan Ilaahay wax dhalin lana dhalin, iwm., taas oo ku timid Maxamed oo si khalad ka fahmey Masiixiyiinta ama uguba talogalay inuu dacaayad ka fidiyo. Runtu waxaa weeye in sida Erayga Ilaayay ee Baybalka ku cad, ay kumanaan sanno Maxamed hortii nebiyadii Ilaahay si joogto ah uga waxyoodeen inuusan Ilaahay ahayn bini,aadan, (Tirintii 33:19). Qormooyinkeena soo socda ayaynu faahfaahin dheeraad ah oo mowduucan ku saabsan ku arki doonaa.
Ta saddexaad, Ilaahay maaha fikrad filasoofi ah. Filasoofiyiinta ayaa badanaa aad isugu hawla inay xaqiijiyaan jiritaanka Ilaahay iyo in kale. Cilmiga Filasoofiga ee ka soo jeeda reer Galbeedka iyo Bariga ayaa in badan daneeya su’aalaha la xidhiidha qaynuunka uu ka soo unkamay adduunkan aynu ku noollahay (unifying principle). Waxa ay bin’aadanku ka fekeraan oo mala-awaalaan inuu Ilaah jiro iyo in kale. Baybalku waxan oo dhan wuu ka soo horjeedaa. Ilaaha la inoogu muujiyey Baybalka dhexdiisa waa mid ina yaqaana oo nolosheena maamula. Isagu waa Ilaah la yaqaano, oo laguma yaqaano mala-awaal filasoofi bini’aadan, laakiinse, waxaa Isaga lagu yaqaanaa waxa uu sameeyo ama qabto. Isagu waa Ilaah isu xilqaama inuu bini’aadanka isu muujiyo. Sidaas ayaa Baybalku ina barayaa.
Waxaynu soo aragnay waxyaalaha uusan Ilaahay ahayn, haddaba, yuu yahay Ilaahay? Qoraalkeena kan ku xiga ayaynu ku arki doonaa dhowr fahan oo uu Erayga Ilaahay ee Baybalku inaga siinayo ka uu Ilaahay yahay.
Qoraaladan taxanaha ah ee muddada inoo socon doona waxaa laga soo turjumey buugga ay wada qoreen labada barafisoor ee la kala yidhaahdo David W. Shenk oo Masiixi ah iyo Bedru D. Katarega oo Muslin ah, buuggan oo cinwaankiisa af Ingiriiska ahi yahay, “a Muslim and a Christian in Dialogue.”