SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Siddeed Arrimood oo Ciise Masiix inaga Barayo Qaxootiga

6/2/2017

0 Comments

 
Qore: Abdi Duale
​Muran badan ayaa maalmahan ka taagan qaxootiga. Waddamada reer Galbeedku waa meelaha keliya ee qaxootiga ugu badani ka dhisan karaan nolol nabad, horumar, iyo ciso leh. Laakiinse, waxay u muuqataa inay meelahaas ka soo baxayaan xisbiyo iyo madax ka soo horjeeda qaxootiga guud ahaan, iyaga oo gaar ahaan shaki weyn kasii qaba qaxootiga Muslimiinta ah. Tani waxay aad saamayn ugu yeelanaysaa Soomaalida. Haddaynu Masiixiyiin Soomaaliyeed nahay waa waajib ina saaran inaynu ka hadallo inaanay go'aanadan cusubi ku dhisnayn waxbariddii Ciise Masiix, oo aan gaar ahaan si firfircoon uga qayb qaadano inaan diin ahaan iyo dhalasho ahaanba lagu faquuqin dadkeena Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatadu haysatey.
Maanta, waxaynu u baahannahay inaynu xasuusano siddeed arrimood oo Ciise ka rabo kuwa isaga rumaysan oo la xidhiidha sida ay tahay inay qaxootiga u arkaan ama ula dhaqmaan.

1. "Ilaahay jeclow, sidaa daraadeed jeclow waxyaalaha uu isagu jecel yahay."

"Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya" (Matayos 22:37-38). In Ilaahay la jeclaadaa waxay ka dhigan tahay in waxa uu jecel yahay la jeclaado. Kitaabka Sharciga Kunoqoshadiisa 10:18 ayaa Ilaahay inoogu sheegayaa inuu isagu "U garsooro agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni." Markaa, la yaab maaha in aayadda ku xigta lagu yidhi, "Haddaba sidaas daraaddeed idinku shisheeyaha jeclaada, maxaa yeelay, idinba shisheeyayaal baad ku ahaydeen dalkii Masar" (Sharciga Kunoqoshadiisa 10:19).

2. "Deriskaaga u jeclow isla sida aad naftaada u jeceshahay."

"Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada." (Matayos 22:39). Laakiinse waa ayo deriskeygu? Isla su'aashan ayaa Ciise lagu weydiiyey Luukos 10:29. Wuxuuna kaga jawaabey qisadii ninkii reer Samaariya ee Naxariista Badnaa, oo wuxuu ina baray in qof kasta oo baahani deriskeena yahay, xataa cadaawayaasheena (isla sidii ay Yuhuuda iyo Samaariyaanku ahaayeen).

3. "Dadka kale u samee waxa aad ka fileyso inay adiga kuu sameeyaan."

"Wax kasta oo aad doonaysaan in laydiin sameeyo, idinkuna sidaas oo kale u sameeya; waayo, kanu waa sharcigii iyo nebiyadii" (Matayos 7:12). Halkan Ciise kuma odhan "waxyaalaha qaarkood kuwa kale u sameeya." Wax kastoo aad jeceshahay inay dadka kale kuu qabtaan, waa inaad adna iyaga u qabataa. Haddii aad ahayd qaxooti dhibaato ka baxsanaya miyaadan ku farxin markii waddan kale magangelyo ku siiyey? Adna dadka kale magangelyo sii oo la doon.

4. "Ha filanina nabaaddiino, raaxo ama in la idiinla dhaqmo si ka fiican sidii aniga la iila dhaqmay."

"Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba. Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh" (Matayos 8:19-20).
.
5. "Ha cabsanina."

Muddo yar kaddib marka uu Ciise in barayo inaynaan filan in la inoola dhaqmo si ka fiican sidii isaga loola dhaqmay, ayuu inoo sheegayaa inaynaan cabsan, "Sidaa darteed ha ka baqina....Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan kan jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba" (Matayos 10:26-28).

6. "Naftiina dafira."

"Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa. Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? Ama nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda?" (Matayos 16:24-26). Ciise wuxuu ina barayaa inaynu maalin kasta nafteena u huro kuwa kale daraadood. Ma jirto wax faa'iido ah oo aynu ka heleynaa inaynu ku noolaano waddan nabad ah haddii ay taasi keeneyso inaynu waxa uu Ilaahay ina farayo diidno oo nafteena lumino naf-jeclaysiga daraadeed (innagoo waddanka ammaanka ah wax kasta ka horraysiinayna).

7. "Cadowyadiina jeclaada."

Haddii aynu Masiixiyiin nahay waa inaynu fahanaa kuwa ay cadowyadeenu yihiin. Maaha qaxootiga Soomaalida ama Siiriyaanka ah. Xataa iyada oo ay Alshabaab Masiixiyiinta neceb tahay, haddana si cad ayuu Ciise inoogu sheegayaa sidii aynu cadowtinimadaa uga jawaabi lahayn.
"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya, si aad u ahaataan wiilashii Aabbihiinna jannada ku jira, waayo, qorraxdiisa wuxuu u soo bixiya kuwa xun iyo kuwa wanaagsan, roobna wuu u di'iyaa kuwa xaqa ah iyo kuwa aan xaqa ahaynba. Waayo, haddaad jeceshihiin kuwa idin jecel, abaalkee baad leedihiin? Cashuurqaadayaashu miyaanay sidaas oo kale samayn? Haddaad salaantaan walaalihiin oo keliya, maxaa dheeraad ah oo aad samaysaan? Dadka kale miyaanay sidaas oo kale samayn? Saas aawadeed u samaada sida Aabbihiinna jannadu u san yahay" (Matayos 5:43-48).

8. "Tusaalahaygii ku socda."
​

"Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan faa'iidadiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado faa'iidada kuwa kale. Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro. Isagu wuxuu lahaa suuradda Ilaah, oo inuu Ilaah la mid ahaado kuma uu tirin in taasu tahay boobis, laakiinse wuu ismadhiyey, oo wuxuu qaatay addoon suuraddiis, oo wuxuu noqday mid dad u eg, oo markuu nin u ekaaday, ayuu is-hoosaysiiyey oo addeecay inuu dhinto, xataa inuu iskutallaabta ku dhinto" (Filiboy 2:4-3).
​

Masiixiyiinta Soomaaliyeed ha ku soo duceeyeen in la qaado xanibaaddan cusub ee Maraykanku saaray qaxooti badan, oo dadaal dheeraad ah ha u galeen  sidii ay Soomaalidu mar kale xor ugu noqon lahaayeen inay Maraykanka iyo meel kasta oo kale oo ay ku nabadgeli karaanba magangelyo uga heli kari lahaayeen. Ogaadana inaynu dhammaanteen isku dooni saaranahay!
​

Ilaahay ha idin barakeeyo.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US