SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Sannad Cusub, Bilow Cusub!

28/12/2016

0 Comments

 

Qore: Abdi Duale

​Dad badani waxay bilowga sannadka gaadhaan go'aano cusub oo ay ku doonayaan inay noloshooda ku beddelaan (New Year's Resolutions), in kasta oo aanay qorshayaashaas intooda badan u hirgelin. Qof wuxuu odhan karaa, sannadkan cunidda qaadka, sigaarka ama balwadda guud ahaan baan joojinayaa, mid kale ayaa odhan kara aad baan u shaqaysanayaa oo lacag ban dhiganayaa, xirfad cusub baan baranayaa, waxan iyo waxaas kale baan samayn doonaa, iwm.
​Haddaba, Masiixiyiintu sida dadka kale, go'aanno ay naftooda ku beddelayaan sannadka cusub bilowgiisa ma gaadhi karaan? Baybalku ma carrabaabin inaynu bilowga sannadka cusub oo keliya is beddel samayno, laakiinse wuxuu haddana ina barayaa inaynu nafteena mar kale  imtixaano, "Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno." (Baroorashadii Yeremyaah 3:40). Nebi Daa'uud wuxuu Ilaahay weydiistey:​

​ "Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, si  aannu u helno qalbi xigmad leh" (Sabuurradii 90:12).

​Markaa, ma khaldana inuu qofku wakhtiyo kala duduwan sida bilowga sannadka cusub naftiisa dib u qiimeeyo oo uu is beddel sameeyo. Laakiinse, waa inuusan is beddelkaasi noqon mid aynu isku deyeyno inaynu kartideena ku samaynayno waase inuu noqdaa mid aynu Ilaahay la kaashanayno, "Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn. Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa" (Sabuurradii 3:5,6).

Go'aannadaasi ha noqdeen kuwo Ilaahay raali ka yahay oo Isaga maamuusaya, ee yaanay kuwo ah naf jeclaysi (selfish), si uu Ilaahay qorshayaashaada is beddel u hirgeliyo, "Qalbiga qasdiyadiisa dadkaa leh, Laakiinse carrabka jawaabtiisu xagga Rabbigay ka timaadaa.  Nin jidadkiisa oo dhammu waa la nadiifsan yihiin isaga, Laakiinse Rabbigu ruuxyaduu miisaamaa. Shuqulladaada Rabbiga ku aamin, Oo fikirradaaduna way taagnaan doonaan" (Maahmaahyadii 16:1-3) Waxyaalo badan ayaynu qalbigeena ka qorshaynaa, laakiinse, Ilaahay ayaa ugu dambaysta hirgelintooda iska leh.

In kasta oo ay haboon tahay in sannadka bilowgiisa go'aano cusub la qaato, haddana marna ha ilaawin inay ta ugu muhiimsani tahay xidhiidhka joogtada ah ee aynu maalin kasta iyo saacad kasta Ilaahay la leenahay. Baybalku wuxuu inooga digayaa inaynu berito isku hallayno:


"Berrito ha ku faanin, waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto" (Maahmaahyadii 27:1).

Aynu maalin kasta Ilaahay adeecno oo Erayadiisa xejino. Kitaabka Quduuska ahi wuxuu inagu odhanayaa, "Waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaahay maqla oo xajiya" (Luukos 11:8). Maaha berri ama saadambe, laakiinse, hadda!
​
Waxaanu idiin rajeyneynaa inuu Sannadka Cusub ee 2017 idiin noqdo mid barakaysan.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US