Qore: Rev. Bassam M. Madany![]() Dadka Maraykanka intooda badan iyo dadyowga kale ee reer Galbeedka ahiba, waxay u maleeyaan inuu Islaamku yahay sida diimaha waaweyn ee adduunka ka jira oo kale, sida Buudiisamka, Masiixiyadda, Hinduuga, Towreedda, iyo Shiintooga. Waxaa aad loogu hadaaqaa “Islaamku waa diin nabadeed,” oo xagjirnimo kasta oo Islaamka ka dhex jirta waxaa loo aaneeyaa oo keliya seef-laboodka. Markaa, xagjiriintan, ama Islaamiyiin ku-sheeggan ayaa diintii “nabadda” ahayd afduubay! Waxaa jirta xaqiiqo aasaasi ah oo Islaamka ku saabsan oo aanay dadka fikraddaas qabaa meesha ku soo darin. Waa inuu adduunku fahmaa inuu Islaamku yahay isku dhaf diin iyo siyaasad oo aan la kala saarin karin. Taariikhda ayaa tan ka markhaati kacaysa. Intaa waxaa ka sii muhiimsan inay isku dhafkan taageerayaan xadiisyo iyo aayaddo Quraan ah oo aad u badani. Maxamed ayaa sheegtay inuu sannadkii 610 Ciise Kaddib Ilaahay isaga la hadlay oo ugu yeedhay inuu nebi u noqdo bini’aadanka oo dhan. Wuxuu isla markiiba bilaabay inuu ku wacdiyo inuu Ilaahay mid yahay oo wuxuu burburiyey sanamyadii ay Carabtu caabudi jireen. Wuxuu sheegtay inuu helay “waxyiyo” lagu “soo dejiyey” markaas oo uu Maka ku noolaa. Laakiinse, madaxdii magaallada ayaa ka soo horjeestay taas oo ku khasabtay inuu sannadkii 622 u baxsado Madiina. Sannadkii 622 Ciise Kaddib waa taariikh muhiim ah. Waxay bilaabaysaa sannadka ugu horreeya ee miilaadiga ee Islaamka, oo lagu magacaabo sannadkii Hijrada, ama Sannadkii Tahriibidda. Hadda waxaa bilaabmayey inuu “waxyigii” isu beddelo gacan-ka-hadal. Maxamed wuxuu Madiina ka bilaabay hab siyaasadeed iyo mid sharci oo cusub. Isaga oo mucaarad lagu noqdo waxaa loo arkayey inay ka dhignayd Ilaahay oo mucaarad lagu noqdo. Suuradaha Quraanka qaarkood ayaa amray in mucaaradka nebiga xoog lagu muquuniyo. Oo xoog ayaa la isticmaalay tan oo sababtay in markii la gaadhey 630 Ciise Kaddib uu Maxamed cadaawayaashiisii baabi’iyey oo isaga oo guuleystey ku soo laabtay Maka. Markaa, ka hor intaanu dhiman 632 Ciise Kaddib, Maxamed wuxuu noqday nebiga iyo hoggaamiyaha siyaasadda ee bulsho diimeed cusub oo la baxday Umma. Taariikhada Islaamka ayaa qoreysa inuu Islaamku ka duwan yahay caqiidooyinka kale. Waa kuwan caddaymuhu: A. Dhowr qabiil oo Carab ah ayaa intuu Maxamed noolaa taageeradooda siiyey, laakiinse markuu dhintay kaddib Islaamkii ka noqday. Khaliifkii koowaad ee Abuubakar ayaa dagaal lu qaaday oo iyaga ku khasbay inay Islaamkii dib ugu soo laabtaan.Taariikhda Islaamka waxaa loo yaqaanaa “Huroob al-Radda,” ama dagaalladii lagu qaaday kuwii riddoobey. B. Islaamku wuxuu ku faafay xoog militeri. Intii u dhexeysey 632 iyo 732, xooggagii Islaamku waxay ka adkaadeen Boqortooyadii Beershiya, oo qabsadeen Siiriya, Masar, iyo Waqooyiga Afrika oo ay ka qabsadeen Boqortooyadii Bazantiinka. Inay Yurub qabsadaan waxaa lagaga joojiyey Dagaalkii Tours/Poitiers oo dhacay Oktoobar 10, 732, kana dhex dhacay hoggaamiyihii Farankish-ka ee la odhan jirey Charles Martel iyo ciidammo Islaam ah oo aad u tiro badan oo duulaan ah oo uu hoggaaminayey Amiir Abdul Raxmaan Al-Chafiqi. Dagaalkaas ayaa Farankish-kii waxay ku jebiyeen ciidammadii Islaamka oo ku dileen Amiir Abdul Raxmaan Al-Chafiqi. Dagaalkaas ayaa joojiyey inuu Islaamku waqooyiga ugu sii faafo Jasiirradda Ibeeriya (dhinaca Isbeyn iyo Bortuqaal). C. Waa inaynu xusno inay colaadihii hore ee Islaamka dhexdiisu dhammaan siyaasad ku sallaysnaayeen, ee aanay astaan diimeed lahayn:
D. Turkiyiinta ayaa la wareegey ololihii fidinta Islaamka kaddib markii ay Baqdaad jabtay qarnigii 13-aad. Waxay ku guuleysteen inay Imbiraadooriyadii Islaamka ku sii fidiyaan xooggaagii yaraa ee ka hadhay Boqortooyadii Bazantiinka. 1453 ayaa Cusmaaniyiintii Turkigu qabsadeen Konistantinoobal oo u bixiyeen Istanbuul. 1529, waxay hareereeyeen Vienna. Dabadeedna, 1683 ayaa ciidamo aad u tiro badan oo Turki ah oo uu hoggaaminayey Kara Mustafa isku wareejiyeen Vienna. Cusmaaniyiintii way ku guuldarraysteen inay Vienna qabsadaan, kaddib markii uu Boqorkii Poland, ee John III u soo gurmadey reer Austria. Toban sanno kaddibna, Heshiiskii Karlowitz ayay Turkigii ku waayeen Hungary iyo gobollo kale. E. Jabkii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee 1918, iyo kala-dirkii Khulaafada ee 1924, waxay taariikhda Islaamka gelisey jaah-wareer weyn. Laakiinse may beddelin dabeecaddii aasaasiga ahayd ee Islaamka. Islaamku weli waa fikrad ku salaysan siyaasad-diimeed, tan oo dhiirigelisa xagjiriinta adduunka Carabta-Muslinka, oo sharciyaysa Talibaanta Afgaanistaan, al-Shabaabta Soomaaliya, al-Qaaciidada, iyo ISIS-ta hadda gumaadka ka wadda waddamo badan oo waddamada Muslinka ah. Xaqiiqooyinkan taariikhiga ahi waxay si cad u tusayaan dabeecadda runta ah ee Islaamka. In lagu andacoodo in Islaamku yahay diin nabadeed waxay iska indho-tiraysaa su’aasha ah in xataa Islaamka lagu tilmaami karo diin. Waxaa tan ka saxsan in loo arko in Islaamku yahay fikir diin-siyaasadeed mid ah oo aan la kala saari karin. “La Dagaalankii Argagixisada” ee uu Madaxweynihii Bush ee Maraykanku ku dhawaaqay 11 Sebteember 2011 kaddib, wuxuu ka marin-habaabay dabeecadda dhabta ee dagaalka. “Argagixisinimadu” waxay ku sallaysan tahay fikrad maskaxiyan ah; markaa hub looma adeegsan karo fikrad maskaxiyan ah. Weerarkii waxashnimada ahaa ee ay Maxamed Atta iyo kuwii la socdey ku qaadeen xarumaha muhiimka ah ee Maraykanku wuxuu ku sallaysnaa rumaysi siyaasad-diineed. Waa nasiibdarro inay madaxda reer Galbeedku ciyaaraan siyaasad af-gobaadsi ah oo ay diidaan inay farta ku fiiqaan cadowga runta ah: Islaamiyiinta Jihaad-doonka ah, oo si toos ah salka ugu haya diinta Islaamka. Caqi gal maaha in la isticmaalo erayada bilaa-macnaha ah sida “La Dagaalanka Argagixisada.” Waa dagaal lagula jiro Islaamiyiin Jihaad u heelan! Fikirka Muslinka ee noocan ah ee xag-jiriintu fuliyaan waa in la fahmaa. Waxaan is weydiin karnaa, dib u habayn/is beddel ma lagu samayn karaa? Waxaa jirta rajo. Website-yo af-Carabi ah, oo ay maamulaan aqoonyahano isbeddel-doon ah ayaa diidey oo ka soo horjeestey Islaamiyiinta xagjirka iyo nooca Islaanimadooda. Aqoonyahannadani kama cabsadaan inay soo jeediyaan in dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo qaybo badan oo Quraanka ah, gaar ahaan qaybaha loo yaqaano aayadaha seefta, kuwan oo ay ku taliyeen inaan ku dhaqankooda muhiimad la siin!
1 Comment
ahmed Macallin
21/3/2018 09:57:41
waa fiicantahay
Reply
Your comment will be posted after it is approved.
Leave a Reply. |