SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

MASIIXIYIINTA SOOMAALIDA IYO HAY'ADDA CULIMADA SOOMAALIYEED!

26/8/2016

0 Comments

 
"Masiixiyiinta Soomaaliyeed laaya, dila, qoorta ka gooya..." Erayadan waxaa dhowaan ku dhawaaqay Sheekh ka mid kuwa ugu sarreeya Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Odhaahdan nacaybka badani ka muuqdo waxaa Shiikha ka keenay kaddib markii ay tobaneeyo Masiixiyiinta Soomaaliyeed ahi ku dhiiradeen inay rumaysigooda qirtaan oo ay markhaatifurkooda soo dhigaan baraha warbaahinta. 
​Waa marka ugu horraysee, waxaan u hambalyaynayaa Masiixiyiinta Soomaaliyeed ee sida dhiiranaanta leh u qirtay rumaysigooda, dadaalkana ugu jira inay walaalahooda Soomaaliyeed la qaybsadaan Injiilka Ciise Masiix—Warka Wanaagsan, kaas oo ku dhisan dembidhaaf, badbaado, iyo jacayl. Waxaana iyaga ku dhiirigelinayaa inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan iyaga oo xasuusanaya inay ummaddooda iftiin u yihiin, sidii uu Sayidkeenu inoo sheegay ee ku qoran Injiilka sida uu Matayos u qoray 5:16, "Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan." 
Ta labaad, waxaan cambaarayaa haddalladaa nacaybka iyo mas'uuliyad yaraantu ka muuqato ee ka soo yeedhay wadaadada u hadlay Hay'adda Culimada Soomaaliyeed. Waa wax lala yaabo oo laga naxo in iyada oo lagu jiro sannadka 2015, dadka Soomaaliyeed ee nabadda, dib u dhiska, iyo nasashada u baahan loogu yeedho inay dhiig hor leh oo aan eed lahayn daadiyaan. Waxaan wadaadadaa kula talin lahaa inay ka waantoobaan haddallada noocaas oo kale ah, iskana ilaaliyaan inuu shaydaanku qalbiyadooda nacayb geliyo. Ciise Masiix wuxuu sheegay inuu Shaydaanku yahay ka keena nacaybka iyo dilka, laakiinse uu Ilaahay bixiyo nolol iyo nabad, "Tuuggu {Shaydaanku} wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan." (Yooxanaa 10:10) 
Ugu dambayntana, sidee ayay tahay inay Masiixiyiinta Soomaaliyeed uga jawaabaan haddallada nacaybka ku dhisan ee ka soo yeedha dadka noocan oo kale ah? 
  • HA LA YAABINA: Ciise Masiix ayaa hore u sii sheegay inay tan oo kale dhici doonto, "Weliba saacaddaa imanaysa in mid walboo idin dilaa uu u malaynayo inuu Ilaah u adeegayo. Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona. Laakiin waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in markii saacaddoodu timaado aad xusuusataan inaan idiin sheegay." (Yooxanaa 16:2-4) 
  • HA CABSANINA: Ilaahay ayaa qof kasta noloshiisa gacanta ku haya; maalintuu dhasho ilaa iyo maalintuu ka dhimanayo. Baybalku wuxuu inagu guubaabinayaa inaynu taxaddarno inta aynu Ilaahay u adeegeyno, laakiinse wuxuu kaloo Baybalku ina barayaa xaqiiqadan weyn ee lama huraanka ah, "Ha ka baqina kuwa jidhka dila, laakiin aan karin inay nafta dilaan, waxaadse ka baqdaan Kan {Ilaahay} jahannamada ku hallayn kara nafta iyo jidhkaba." (Matayos 10:28)
  • HA NICINA: Ha nebcaanina ummadda Soomaaliyeed, waayo waxaa jira dad badan oo Soomaalida Muslimiinta ah oo raali ka ah inay dadku nabad iyo is xushmayn ku wada noolaadaan, kuwaas oo aan wadaadadan ku raacsanayn erayadan khaldan ee ka soo yeedhay. Sidaas daraadeed Masiixiyiinta Soomaaliyeed ha sii wadeen wanaagga ay dadkooda u qabtaan. Ha u duceeyeen inuu Ilaahay Soomaalida dhibka ka saaro, iyo gaar ahaan inay wadaadada Hay'adda Culimada Soomaaliyeed madaxda u ahi ka toobad keenaan haddalladan dembiga ah ee ay dadka Soomaaliyeed ku marin habaabinayaan. Xusuusta erayadii uu Ciise ugu duceeyey xataa kuwii isaga iskutilaabta ku qodbayey ee dilayey: "Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan." (Luukos 23:34) 
Nabadi ha idinla jirto.    
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US