Waxaad is weydiin kartaa, maxay iister-ku muhiim u tahay? Waayo, haddii aan iister jirin Masiixiyadduna ma jirteen! Dhimashadii iyo sarakiciddii Ciise Masiix ayaa saldhig u ah wax kasta oo ay Masiixiyiintu rumaysan yihiin! Dhimashada Ciise ayaa inoo oggolaatay inaynu Ilaahay dib ula heshiino. Sarakiciddiisa ayaa ina siinaysa rajo ah inaynu mar kale noolaanayno, xataa dhimashada kaddib, “Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan” (1 Korintos 15:17). |