SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

KIINEE DHAGAXA UGU HORREEYA KU TUURAYA?

21/8/2016

0 Comments

 
Picture
Qalbi xanuun weyn baa kugu dhacaya marka aad aragtid xaqdarrooyinka badan ee bini'aadanku isku hayo, haddana kuwan qaarkood ayaa adiga si gaar ah kuu sii taabanaya, oo muddo dheer niyaddaada ka sii gubanaya, kuguna khasbaya inaad isku daydo inaad wax ka tidhaahdo, gaar ahaan marka caddaalad daradaa lagu sameeyey iyada oo magaca Ilaahay la isticmalaayo. 

Tusaale ahaan, waxaan aad uga gubtey dilkii foosha xumaa ee bishii Maarso 20, 2015 ka dhacay waddanka Afgaanistaan, halkaas oo boqolaal rag ahi haweeney magaceedu ahaa Farkhunda ay si axmaqnimo ah dhagax ugu dileen dabadeedna jidhkeedii gubeen, iyaga oo ku eedeynaya inay Quraan gubtey. Waxaase markii dambe la caddeeyey inay haweeneydaasi maskaxda ka jirranayd, oo 'dembiga' lagu soo eedeeyeyna uu been abuur ahaa. Waddankeena Soomaaliyana marar badan ayay ka dhacday in dumar dhagax lagu dilo iyada oo lagu eedeynayo inay sinaysteen, iyadoon inta badan la tusin ama la xukumin nimankii la sheegay inay ka sinaysteen.
Tani waxay isoo xasuusisay qisadii ka dhex dhacday Ciise Masiix iyo wadaadadii diintii Towreedda ee Faarisiinta la odhan jirey, ee ku qoran Injiilka sida uu Yooxanaa u qoray 8:1-11. Ciise ayaa dadka wax ku barayey macbudka dhexdiisa markii ay wadaadadan diintu u keeneen haweeney ay ku eedeeyeen inay sinaysatay, waxayna isaga weydiiyeen inay iyada dhagax ku dili kareen, sida uu sharcigii Muuse dhigayey (Sharciga Kunoqoshadiisa 22:22). Laakiinse, iyagu haweeneyda dan kama lahayn; waxayse iyada u isticmaalayeen inay Ciise xujeeyaan ama dabaan. 
Wadaadadani laba wejiileyaal ayay ahaayeen. Sida ay ku fekerayeen, haddii Ciise haweeneyda sii daayo , waxay markaa ku eedeyn kareen inuu qaynuunkii Muuse jebiyey, haddiise uu iyaga u oggolaado in iyada la dhagxiyo markaa Badbaadiye muu ahayn, haddii uu iska aamusana waxay ku eedeyn kareen inuusan ahayn nin xigmad leh. Ciise wuu garanayey ujeeddadooda. Isla markiiba iyaga uma jawaabin, laakiisne intuu foororsaday ayuu dhulka wax ku qoray, iyaguna su'aashoodii ayay ku sii wadeen. Ugu dambayntiina, intuu Ciise sara joogsadey ayuu iyagii ku yidhi, "Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro." (Yooxanaa 8:6-7).  
Waxaa Baybalka ku qoran "Iyagu markay waxaas maqleen, ayay iska daba baxeen midba mid, waayeelladii ka bilaabato ilaa kii u dambeeyey. Ciisena keligiis ayuu hadhay iyo naagtii dhexda joogtay." (Yooxanaa 8:9). Kuma ay caddayn karin inay haweeneydu dembaabtey, oo ninkii ka sinaystay iyo markhaatiyo midna may hayn, midda kale, ujeeddada dacwadooda ayaa khaldanayd oo ahayd inay Ciise "jirrabaan iyaga oo raadinaya wax ay ku ashkateeyaan" (Yooxanaa 8:6).  
Ciise Masiix wuxuu ahaa ka keliya ee haweeneydaa xukumi karey, waayo dembi muu lahayn, laakiinse isagu "Uma uu imanin inuu kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inuu dembilayaasha u yeedho" (Markos 2:17). Dhammaanteena dembiileyaal ayaynu nahay, oo ay ku jirto haweeneydan dembiga lagu soo oogey, haddii ay sinaysatay iyo haddii kaleba. Masiixu wuxuu dembiileyaasha ugu yeedhayaa maaha inuu iyaga xukumo, laakiinse waa inuu badbaadiyo (Yooxanaa 3:17).   
Haddaba muxuu Ciise haweeneydii la soo dacweeyey ku sameeyey? Sidan ayuu iyadii kula hadlay, "Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin? Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin." (Yooxanaa 8:10, 11). Ciise muu xukumin iyadii, laakiinse wuu badbaadiyey. Nolosheedii ayuu dib u dhisay iyo xidhiidhkeedii ay Ilaahay la lahayd. Dhammaanteena sidaas oo  kalaa la inaga rabaa. 
Maaha inaynu qofna xukuno waayo Ilaahay ayaa ah ka xukunka iska leh. Haddii aynu qof dembi ka qabanayno waa inaynu muhiimadda koowaad siinaa sidii aynu dib ugu dhisi lahayn xidhiidhkii qofkaasi Ilaahay la lahaa. Ciise ayaa ahaa ka keliya ee macbudka joogey ee aan dembiga lahayn, laakiinse halkii uu haweeneyda ka xukumi ama ka eedayn lahaa iyada wuu badbaadiyey oo nolosheedii buu dib u siiyey. Innaguna sidoo kale waa inaynu ka faa'iideysanaa fursad kasta oo aynu dadka ku saamixi karno, oo jacaylka Masiixa ula qaybsan karno, innaga oo mar kasta xasuusanayna inaynu lafteenu ku badbaaday nimcada Ilaahay darteed, "Waayo, idinku waxaad ku badbaadeen nimco xagga rumaysadka. Mana aha wax xaggiina ka yimid, laakiinse waa hadiyadda Ilaah, mana aha xagga suqullada, si aan ninna ugu faanin." (Efesos 2:8,9)
Ilaahay ha idin barakeeyo.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US