SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

KA DIGTOONAADA AFLAGAADEYNTA DIIMAHA KALE

21/8/2016

0 Comments

 
"Haddii mid isu maleeyo inuu cibaado badan yahay, oo uusan afkiisa xakamayn, laakiin uu qalbigiisa khiyaaneeyo, kaas cibaadadiisu waa wax aan waxtar lahayn." (Yacquub 1:26). 
Waxaa maalmahan aad loo hadal hayaa dhacdooyinkii ka dhacay Paris, iyo dilkii loo geystey joornaaliistayaashii Charlie Hebdo. Dhacdadani waxay tooshka ku qabatay su'aal hore u jirtey oo ah, "Ma saxsan tahay in diimaha dadka kale la aflagaadeeyo?" Anigu haddaan Masiixi ahay waxaan is weydiinayaa, "Ma saxsan tahay inay Masiixiyiintu diimaha dadka kale aflagaadeeyaan?" Jawaabta su'aashanina waa MAYA. 
​Tan macnaheedu maaha inaan dhiirigelinayo in dad lagu dilo magaca diin la aflagaadeeyey ama Ilaahay dartii. Waxaan oggolahay in diimaha iyo sida loogu dhaqmo la baadho, su'aalo la iska weydiiyo, ama xataa aad tusto sida aadan ugu qanacsanayn qodobo la xidhiidha diintan ama diintaas, laakiinse waa inaan laga tegin tixglinta, waana in la iska ilaaliyaa waxa luuqada Ingiriiska lagu yidhaahdo "generalization" ama in la yidhaahdo "Masiixiyiinta oo dhammi waa sidaas" ama "Muslimiinta oo dhammi waa sidaas ama sidan", odhaahaha noocan ah oo badanaa khalad ah. 
Haddaynu Masiixiyiin nahay, Ciise Masiix ayaa tusaaleheena ugu weyn ah. Ma jiro jacayl, dulqaad, iyo saamaxaad ka weyn tii Ciise Masiix. Nebi Ishacyaah ayaa sidan Ciise ka qoray, "Isaga waa la dulmay, waana la dhibay, laakiinse innaba afkiisii ma uu kala qaadin. Isaga sidii wan la qalayo baa loo kexeeyey, oo sidii lax ku aamusan kuwa dhogorta ka xiira hortooda, isagu afkiisa ma uu furin." (Ishacyaah 53:7). Ciise laftiisa ayaa xertiisa baray inay qof kasta jeclaadaan xataa cadowyadooda, "Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya." (Matayos 5:43-44). Masiixu sidan ayuu ugu duceeyey kuwii isaga dilayey ee iskutallaabta ku qodbayey, "Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan." (Luukos 23:34). 
Injiilku wuxuu mar kasta dhiirigelinayaa camallada dadka isu soo dhoweynaya diintay rabaan iyo dhaqankay rabaan ha haystaane, kana hortegaya nacaybka, dilka, iyo dagaalka. Waxaa Masiixiyiinta lagu guubaabiyey, "Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan." (Rooma 12:18). U fiirso erayga "dadka oo dhan", lama odhan kuwa aad isku diinta tihiin ama isku dhalashada tihiin oo keliya. 
Haddaynu Masiixiyiin nahay, waxaa la innagu amray inaynu dadka kale la qaybsano Warka Wanaagsan- Injiilka Sayid Ciise Masiix, oo qof kasta tusno jacaylkiisii. Maaha inaynu ku dayano kuwa aan Ilaahay aaminsanayn, sida Charlie Hebdo, kuwaas oo caado ka dhigtay inay caayaan wax kasta oo quduus ah—dhacdooyinkii ugu dambeeyey ka hor waxay muddo aad u dheer aflagaado joogto ah ku hayeen Masiixa iyo Masiixiyiinta. 
Waxaan taageersanahay hadalladii labada mas'uul ee Masiixiyiinta ah ee kala ah Pope Farancis -ka madhabta Kaatoliga iyo Pope Tawadros II-ga Kaniisada Coptic-ga, kuwan oo caddeeyey inaan wanaag ku jirin cayda diimaha, laakiinse ay tani keeneyso oo keliya kala fogaansho, nacayb, iyo dagaal. 
Ugu dambaystana, xasuusta: 
"Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa." (Maahmaahyadii 10:12).
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US