SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

JOOJINTA QAADKA EE SOOMAALIYA

13/9/2016

0 Comments

 
Dowladda Soomaaliya waxay dhowaan go'aan aad loogu baahnaa oo loo bogey ka qaadatay qaadka, oo ay ku dhawaaqday in Soomaaliya laga joojinayo laga bilaabo 6-dii Sebteembar 2016. Baadhitaan ay sameeyeen dad ku xeeldheer arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo caafimaadkuba waxay isku raaceen inuu qaadku Soomaaliya ku yahay "social epidemic" ama sidii cudur bulsheed dhakhso u faafa.
Dhinac kasta oo aad ka eegtidba qaadku wuxuu ka curyaamiyey ummadda Soomaaliyeed. Dhaqaale ahaan waxaa la qiyaasay, in tusaale ahaan, Somaliland maalintii lagu qayilo 1.1 malyuun oo doolar, sannadkiina ilaa 524 malyuun oo doolar taas oo noqonaysa 30% dhaqaalaha sannadkii u soo xerooda. Gobollada koonfureed ayaa iyagana la qiyaasay in sannadkii lagu qayilo 300 oo malyuun oo doolar. In kasta oo aan aaminsanahay in qiyaastu intaas ku labanlaabanto.

Bulsho ahaan qaadku wuxuu qayb muhiim ah ka qaatay burburkii Soomaaliya. Hoggaamiye kooxeedyadii ayaa qaad aan kala go' lahayn siin jirey dhallinyaradii u dagaalami jirtey, haddii uu qaadku ka go'ana waxay dhallinyaradaa ku khasbi jirtey inay jidgooyooyin samaystaan oo dadka kula kacaan dhac iyo dil. Qaadku wuxuu sababay burburka qoyska Soomaaliyeed kaas oo aasaas u ah bulsho caafimaad qabta. Maaddaama ay rag badani u jeesteen cunidda qaadka waxaa culayskii qoysku fuuley dumarkii, oo iyaga ayaa noqday kuwa reerahooda u xoogsada. Raggii waxay lumiyeen sharaftii ay qoyska dhexdiisa ku lahaayeen iyo tixgelintii ay xaasaskooda iyo carruurtoodu u hayeen, iyaga oo noqday wax matarayaal. Tan oo iyaduna sababtay in khilaafka qosyka iyo furniinkii batay, oo waxaad arkaysaa dhallinyaro 20 jir ah oo 3 jeer wax furay ama la furay.

Qaadku waa dilaa 'qarsoon'. Waxaa batay dadka qaba dhiig-karka, macaanka, cudurrada ku dhaca beerka iyo ilko bololka. Waalida, niyad-jabka, xanaaqa degdegga ah, daalka, iyo riyooyinka baqdinta leh (nightmares) ayaa iyaguna noqday kuwo dad badan oo qaadka cuna aafeeyey.

Lama soo koobi karo dhibaatooyinka qarsoon iyo kuwa la arki karo ee qaadku ku hayo ummadda Soomaaliyeed. Baybalku wuxuu odhayaa, "Markaanay talo jirin, dadyowgu way halligmaan..." (Maahmaahyadii 11:14)  Waxaan rajeynayaa inaanay joojinta qaadku noqon mid "ku meel gaadh ah" sida ay wararku sheegeen ayse noqoto mid lagu adkaysto, iyadoo laga duulayo dhibaatooyinkaas badan ee geedkaasi Soomaalida ku hayo.

Qaadacaada ay maamulayaasha gobollo Soomaaliya ka mid ahi kaga soo horjeesteen joojinta qaadku waa mid ay dadka ay talada u hayaan ku dulminyaan, iyaga oo u hanqal taagaya faa'iidooyin yaryar oo ku meelgaadh ay oo ay moodayaan inay Kiiniya kaga helayaan. Khasaaraha dhabta ahi wuxuu ugu dambaysta soo gaadhayaa dadka iyaga ku hoos nool, sidaa daraadeed waxaan kula talin lahaa inay tixgeliyaan oo ku daydaan tallaabadaa wanaagsan ee dowladda dhexe qaaday.

Wax lala yaabo maaha qaylada ka dhacaysa Kiiniya ee ku aaddan go'aankan Soomaaliya qaadka ku joojisey, waayo, waxaa maalin kasta qaadka ay innaga iibiyaan ka soo gala 592, 000 oo doolar. Laakiinse, Soomaaliya waa inaanay usii afduubnaan daroogo uu soo saaro qabiil yar oo Meru la yidhaahdo! Waxaa la gaadhey wakhtigii ay dowladda Kiiniya beeraleydaa ku aaddin lahayd inay beertaan dalagyada kale la cuno kuwaas oo ay maanta Afrika aad ugu baahi qabto.

Erayga Ilaahay ee Baybalku wuxuu ina barayaa inuu jidhkeenu yahay ammaano uu Ilaahay ina siiyey sidaas daraadeed ay tahay inaynu dhowrno. Waxaa Erayga Ilaahay ku qoran, "Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin, waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana." (1 Korintos 6:19-20) Qofka bini'aadanka ahi wuxuu Ilaahay ku caabudaa Jidhkiisa, ruuxiisa iyo naftiisa, markaa, miyey haboon tahay in meesha Ilaahay lagu caabudayo lagu nijaaseeyo daroogo qaadka oo kale ah iyo fusuqa kale ee ay dabada ku wadato?

Ilaahay ha idin barakeeyo.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US