SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

ISLAAMKU MA “DIIN NABADEED” BAA?

3/9/2019

0 Comments

 
Ilaa iyo markii aan dhashay, waxay imaamada masaajidada iyo qoyskayagu i barayeen in uu Islaamku yahay “diin nabadeed.” Midda yaabka lihi waa inuu hal-hayskan caanka noqday jirey xataa muddo aad iiga horreysey.
MACNAHA ERAYGA ISLAAM
​
Mark Durie, oo khabiir ku takhasusay luuqadaha iyo Islaamka ka ah Melbourne School of Theology ayaa qoraal uu ku qoray Independent Journal ku yidhi, “Markii ugu horreysey ee Islaamka ‘diin nabadeed’ loogu yeedho waxay ahayd laga soo bilaabo daba-yaaqadii 1930-naadkii….wuxuuna ahaa cinwaan ku jirey buug markii ugu horreysey lagu daabacay Hindiya…. Odhaahdani si tabcaan ah bay u faaftay, laakiinse markii 1970 la gaadhey si is-dabajoog ah, oo isa soo taraysa ayay uga dhex muuqaneysey qoraallada Muslinka iyaga oo ugu talogalay dadka reer galbeedka ah dhegahooda.”

Goor kastaba odhaahdani hirgashee, waxaan muran ka taagnayn inuusan Quraanku marnaba sheegin in “Islaamku yahay diin nabadeed,” dhaqankii Maxamed-na laguma sheegin (xadiisyada).

Laga yaabee inuu fahankan khaladka ahi ka soo jeedo fikrad kale oo iyadana badanaa lagu celceliyo oo la leeyahay erayga Islaam macnahiisu waa “nabad.” Maya, maaha. In kasta oo ay labada erayba la xidhiidhaan erayga nabadda loo isticmaalo ee salaam. Haddana, aqoonyahanka Durie ayaa mar kale tooshka ku ifinaya xidhiidhka labada eray ka dhexeeya iyo asalka erayga Islaam. “Erayga Islaam wuxuu ku salaysan yahay odhaah ciidammeed. Waxaa laga soo min-guuriyey erayga aslama, ‘is-dhiibid,’ ujeeddadeediisa ugu muhiimsanina waa inuu qof nabad-galo (salaama) isaga oo is-dhiibaya. Macnaheedii ugu horreeyey waa, qofka Muslinka noqdaa waa kii is-diiba dagaal kaddib.”

Bulshooyinka Muslinka ayaad badanaa ka maqlaysaa in “is-dhiibidda” Islaamku ka hadlayo macnaheedu yahay inuu qofku noloshiisa u dhiibo doonista Ilaahay, taas oo aan ku raacsannahay inay tahay fikrad fiican oo aan dagaal iyo dirir ku jirin. Laakiinse, in lagu doodo inaan erayga Islaam wax dagaal ah ku lug lahayn ma saxsana. Islaam wuxuu ku saabsan yahay nabad dhacday dagaal, dirir, iyo argaxgax-gelin kaddib.

Dhaqanka Islaamku sidan uu aaminsan yahay, Maxamed laftiisu sidaas ayuu eraygan u isticmaalay. Digniintii uu qabiilladii deriska la ahaa siiyey ayaa caan ah: Aslim taslam, “Haddii aad is-dhiibtaan, waad nabad geleysaan.” Aslim, waxaa kale oo u qarsoon macnaha ah, “Haddii aad Islaamtaan waxaad ku nabad-geleysaan is-dhiibiddaa darteed.”

Markaa, erayga Islaam wuxuu qeexayaa nabad timid is-dhiibid kaddib. In kasta oo ay sawir sharaf leh tahay haddii uu eraygaas macnihiisu noqon lahaa doonista Ilaahay oo la isu dhiibo, oo uu sawirkani maantadan ka muuqdo bulshooyin badan oo Muslin ah, kuwaas oo nabadda jecel, haddana qoraallada noloshii Maxamed waxay tusayaan in erayga is-dhiibidda loo isticmaalay sidii mid ciidan militari iyo dagaal.

ERAY-BIXINTA ILAA TAARIIKHDA

Sida ugu habboon ee looga jawaabi karo inuu Islaamku “diin nabadeed” yahay iyo in kale waa iyadoo la eego noloshii iyo waxbaridihii nebigeeda. Quraanka iyo dhaqammadii nebiga Islaamka ayaa ka muhiimsan in micnaha erayga Islaam lagu mashquulo.
​
Qoraal kale ayaynu arrintan si faahfaahsan ugu qaadaa-dhigaynaa, laakiinse, waa inaan hadda si cad u sheegno inaanu qofna dafiri karin in Quraanka iyo noloshii nebiga Islaamkaba ay dagaalka iyo dirirtu muhiimad ku weyn leeyihiin oo ka buuxaan. Isla markii uu Maxamed helay xer ku filan oo dagaallami karta, sannad kasta weeraro ayuu abaabulayey ilaa iyo intii uu ka dhimanayey. Sida uu ninka David Cook ku qoray buuggiisa la yidhaahdo Understanding Jihad, mudadaas wuxuu Maxamed shakhsiyan abaabuley siddeetan iyo lix duullaan, taas oo noqonaysa in ka badan siddeed duullaan sannadkiiba. Quraanka ayaa badanaa duullaanadan ka hadla oo uga hadla sidii ay gar ku lahaayeen ama ku saxsanaayeen. Tusaale ahaan, cutubka 8-aad ee Quraanka (Surah-Al -Anfal “Suuradda Bililiqada”) wuxuu ku saabsan yahay dagaalkii ugu weynaa ee Muslimiinta - dagaalkii Badar, wuxuu barayaa inuu Ilaahay ku hoggaaminayey inay Muslimiintu weeraraan reer Maka, inuu iyaga ku xooggeeyey cutubyo malaa’igo ah, oo uu Ilaahay ahaa kii Muslimiinta gacantooda ku xasuuqay reer Maka. La iskama indho-tiri karo in isla bilowgii Islaamkaba ay suuraddan iyo suurado kaleba dagaalka iyo dirirta weyneynayaan oo sarraysiinayaan oo ammaanayaan.

Duullaanadii Muslimiintu marba marka ka dambaysa way sii kordhayeen intii uu Maxamed noolaa oo dhan, dhimashadiisii kaddib may joogsane way ka sii ka sii dareen oo waxay isu baddeleen dagaallo adduunka oo dhan saameeyey. Isla markii uu nebigu dhintayba, waxaa bilowday dagaalladii is-gaalaynta, dabadeedna af-gembigii Beershiya, dabadeedna duullaanadii lagu qaaday Masar iyo meelo ka shisheeyaba. Laba qarni bilowgii Islaamka kaddib, wuxuu Islaamku dagaallo ku qabsaday xeebaha Badda Atlaantika ilaa iyo dooxooyinka Hindiya. Dhammaadkii cahdigaa, ayay nimankii caanka ahaa ee xadiisyada uruurin jirey isku-dubarideen buuggaag badan oo ka hadlaya hab-dhaqankii iyo ammaradii Maxamed ee khuseeyey wakhtiyada dagaalka. Muddo gaaban kaddibna xeer-yaqaannadii Islaamka ayaa si habaysan u qoray Shariicada tan qaybo badan lagaga hadlayo xeerarka khuseeya hab-dhaqanka quman ee dagaalka.

Sababahan daraaddood, qofna kuma andacoon karo in uu “Islaamku yahay diin nabadeed” iyada oo loola jeedo inaan haba yaraatee wax dagaal iyo dirir ahi Islaamka lug ku lahayn – marka la eego bilowgiisii iyo taariikhdaba. Marka laga reebo saddex iyo tobankii qarni ee ugu horreeyey ee jiritaanka Islaamka markaas oo aan Muslimiin dagaal geli kartaa weli jirin, intii ka dambeysey Islaamku mar kasta wuxuu lahaa caqiido faafhaahsan oo ku saabsan duullaanada.

REER GALBEEDKA IYO DIINTA NABADDA

Nasiibdarro, warbaahinta iyo madaxda reer Galbeeka midkoodna runta ma sheegayo marka ay ku hadaaqayaan halhayska in Islaamku yahay diin nabadeed, waxayse isku deyayaan inay beddelaan fikradda ay bulshooyinka reer Galbeedka ahi ka qabaan Islaamka – waa dadaal sharaf leh maaddaama ay ujeeddadiisu tahay in aan laga aargoosan Muslimiinta aan waxba galabsan. Badanaa waxaynu in Islaamku diin nabadeed yahay maqalaa muddo yar kaddib marka magaca Islaamka xasuuq lagu geysto. Madaxweyne Goerge W. Bush wuxuu Islaamka ugu yeedhay diin nabaddeed maalmo kaddib weerarkii argagixisada ee 11 Sebteember. Raysal Wasaare Tony Blair wuxuu sidaas yidhi kaddib markii bambaanooyinka lagu qarxiyey London, 7 Luulyo, Madaxweyne François Hollande ayaa isna Islaamka diin nabadeed ku sheegay kaddib xasuuqii Charlie Hebdo. In sidan loogu adkaysto in Islaamku nabad yahay iyada oo jihaad xasuuq geysanaya uu soo noqnoqonayo waa mid dadka niyaddooda ka degi la’ tan oo aan bulshooyinka reer Galbeedka oo keliya ku koobnayn.

Shiikh reer Siiriya ah – Shiikh Ramadan al Buti, oo loo aqoonsan yahay mid ka mid ah aqoonyahannada ugu caansan ee Suniyiinta adduunka ee diinta siday tahay ugu dhaqma, ayaa ka xanaaqay in reer Galbeedku ku adkaystaan in uu Islaamku diin nabadeed yahay, isaga oo sheegay in sababta ay sidaas u samaynayaan tahay iyaga oo doonaya inay Islaamka daciifiyaan. Haddii ay madaxda iyo warbaahinta reer Galbeedku odhaahdaa muddo dheer ku celceliyaan laga yaabee inay Muslimiintuna taas rumeeyaan. Buug uu qoray oo la odhan jirey Shareecada Noloshii Nebiga ayuu Shiikhaasi reer Galbeedka ku eedeeyey inay doonayaan inay “fikradda jihaadka ka tirtiraan niyadda Muslimiinta oo dhan.” Shiikhani wuxuu si saxa uga turjumay fikradda dhabta ah ee qofka Muslinka ah ee caadiga ah ee Bariga Dhexe ku nooli ka qabo jihaadka. Midda murugada lihi waa in Shiikhan laftiisa 2013 la diley,  kaddib markii uu mid mujaahid ahi isku qarxiyey.

GUNAANAD

Halkii aynu Islaamka macne cusub uga samayn lahayn, waxaa ka fiican inaynu si caqliyan ah oo daacad ah u wajahno. In lagu andacoodu Islaamku waa nabad oo haba yaraatee dirir iyo dagaal kuma jiro waa been. In kastoo ay warbaahinta iyo madaxda reer Galbeedka ee ku celcelinaya in Islaamku nabad yahay wannaag ula jeedaan, haddana runta way ka fog yihiin.

Bil-caksi, waa inaynu indhaheena furnaa oo aynaan xaqiiqada ka gabban innaga oo isku deyeyna inaynu bulshooyinka Islaamka ah ilaalino ama aynu Muslimiin badan soo jiidano. In kasta oo uu gacan-ka-hadalku asalkii iyo taariikhda Islaamka ka buuxo, tan macnaheedu maaha inay Muslimiinta deriska inala ahi yihiin kuwo raba inay had iyo goor diintooda darteed wax ku dilaan oo ku xumeeyaan. Muslimiintu waxay xaq u leeyihiin inay helaan naxariista iyo tixgelinta uu qof kasta oo kale oo bini’aadan ahi u qalmo. Dhab ahaantii, laga yaabee in marka ay Muslimiin badani u fiirsadaan burburka iyo baaba’ ay jihaad-doonka Muslimiinta ahi geysanayaan, ay markii ugu horreysey ee noloshooda qaadacaan Islaamka dilka iyo dirirta ku salaysan, sidii anigaba igu dhacday.
 

Turjumaadda qoraalkani waxay ku salaysan tahay buug uu qoray ninka la yidhaahdo Nabeel Qureshi oo uu cinwaankiisu yahay: ANSWERING JIHAD: A Better Way Forward.
 
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US