SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

FEKERO CIIDDA KIRISMAS-KA LA XIDHIIDHA

21/8/2016

0 Comments

 
Waxaa mar kale inagu soo dhow xusidii dhalashadii Sayid Ciise Masiix. Intii aan buuqa, dabaaldegyada, iyo wax iibsiga (shopping) ku mashquuli lahaa, waxaan anigu doortay inaan mar kale si sakhsiyan ah uga fekero macnaha uu wakhtigan muhiimka ahi aniga ii leeyahay. Marka aan qisadii dhalashadii Masiixa ka akhriyo Injiilka sida uu Matayos u qoray 1:18-25, laba odhaahood oo muhiim ah oo aayadahan ku jira ayaan si gaar ah ii taabanaya:​ 
"Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, ILAAH BAA INALA JOOGA." (Matayos 1:22, 23). 
1. ILAAH BAA INALA JOOGA: ma dareemeysaa inuu Ilaahay kuu dhow yahay oo kula joogo? Mise meel fog ayaad Isaga ka doondoontaa? Dhalashada Masiixa waxaa la inoogu bishaareeyey inuu Ilaahay ina dhex yimid, oo inoo yeedhayo, oo doonayo inuu xidhiidh shakhsiyan ah inala yeesho. Waad ku farxi lahayd inaad madaxweyne waddan la kulantid, oo saaxiib la noqotid, bal ka waran inuu Ilaaha samada iyo dhulka abuuray uu Isagu yimid, oo ku doondoonayo, si uu xidhiidh SHAKHSIYAN ah kuula yeesho. War maxay taasi barako, wanaag, iyo farxad badan tahay! Ilaahay wuxuu meel kale oo Eraygiisa ah inagu odhanayaa, "Bal eeg, albaabkaan taaganahay oo garaacayaa; haddaba haddii nin codkayga maqlo oo albaabka iga furo, waan u soo gelayaa..." (Muujintii 3:20). Ilaahay ayaa albaabka qalbigaaga taagan oo doonaya inuu soo galo si aad cunuggiisa u noqotid! Waa Ilaah jacayl miidhan ah oo doonaya inuusan midkeena lumin iyo inuu midkeen kastaa badbaado. 
Odhaahda labaad waxay ku jirtaa aayadda 21-aad: Ilaahay ayaa Yuusuf - ninkii Maryan u doonanayd u sheegaya sababta Ciise u imaanayey: 
"...laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid. Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, DADKIISA AYUU DEMBIYADOODA KA BADBAADIN DOONAA." 
2. DADKIISA AYUU DEMBIYADOODA KA BADBAADIN DOONAA: waa sababtan ta uu Ilaahay inoo dhex yimid ee uu doonayo inuu xidhiidh inoola yeesho. Wuxuu doonayaa inuu ADIGA dembiyadaada kaa badbaadiyo. Dembiyadeena ayaa Ilaahay inaga dheereeyey. Si kasta ayaynu samaynay si aynu isugu dayno inaynu ugu muuqano kuwo aan dembi lahayn oo aynu isu tusno inaynu Ilaahay u dhownahay, ama kuwa kale uga dhownahay. Xataa qaarbaa dad kale diley/laayey si ay Ilaahay ugu dhowaadaan! Oo sidaas dembigii usii badsaday. 
Ilaahay ayaa inoo yimid si aynu dembiyadeena uga badbaadno. Albaabka qalbigaaga ayuu garaacaya oo leeyahay, 'iga fur wiilkaygiiyow/gabadhaydiiyey'. Uma baahnid inaad allabari qashid, dad laysid, jidhkaaga googoysid, ama aad camallo kale oo is-tus ah samaysid. Dembiyadaada ka toobad keen, oo Ilaahay qalbigaaga ku soo dhowee, oo u noolow sida uu doonayo inaad u noolaato, adigoo taas ka ogaanaya Eraygiisa. 
Waxaan Masiixiyiinta Soomaaliyeed ku guubaaniyaa inay wakhtigan si shakhsiyan ah mar kale usu weydiiyaan, Maxay Dhalashada Masiixu aniga iiga dhigan tahay? Soomaalida aan Masiixiyiinta ahayna waxaan u sheegayaa: qalbiyadiina Ilaahay ka fura, oo soo dhoweeya, waxaadna heleysaan nabad, barako iyo farxad joogto ah. 
Waxaanu dhammaantiinba idiin rajeyneynaa Ciid wanaagsan, sannadka soo socdana mid barakaysan.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US