SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Diyaargarow mise “Insha Allah”?

1/5/2017

0 Comments

 
Qore: Abdi Duale
​Dhibaatooyin badan oo Soomaalida ku dhacaa waxay ku sallaysan yihiin sida ay dhaqan ahaan u fekeraan. Abaar weyn sida ta hadda jirta ah ayaa dhacaysa taas oo dad iyo xoolloba baabi’inaysa, haddana waxaa ka daba imaanaya roobab, laakiinse waxaad maqlaysaa inuu roobkiina dad badan qaaday, daacuun biyood dhaliyey, ama uu nabaad guur keenay. Dad badan baa u dhammaanaya cudur si yar looga hortegi karo ama loo daaweyn karo, waxaad maqlaysaa “toodii baa dhammaatay.”
​
Arrin Ilaahay qofka u siiyey aqoon, awood, iyo wakhti uu wax kaga qabto ayuu ku odhanayaa “Inshaa-allaah”. Taas macnaheedu waxa weeye laga yaabee inaan hawshaa qabto ama aanan qaban, si kasta aan sameeyee Ilaah baa qoray! Hab fikirka noocan ahi wuxuu Soomaalida baday inay xamilaan nolosha oo ay ka dhacaan, aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay iyagu isu keeneenba, halka ay dadyowga kale ku dadaalaan inay dhibaatooyinka soo mara ka gaashaantaan inaanay ku soo noqnoqon.
Erayga Ilaahay ee Baybalka, Maahmaahyadii nebi Suleymaan waxay odhanaysaa:

"Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, laakiinse garaad laawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa." (Maahmaahyadii 22:2).

Kitaabka Maahmaahyadu waa kibaab xigmadda ka hadla. Waxaa ku qoran aayado badan oo ka hadlaya sida qofka xigmadda lihi uga duwan yahay nacaska, ama sharlowga. U fiirso inay aayaddan 22:2, ina barayso inuu ka xigmadda lihi fiiro dheer yahay, oo uu arko khatarta soo socota, oo u diyaargaroobo. Laakiinse, ka nacaska ahi wuu fiiro gaaban yahay, ma diyaargaroobo, wuxuuna ku dambeeyaa silic. 

Baybalku wuxuu inoo sheegayaa inaynu isticmaalno caqliga iyo kartida Ilaahay ina siiyey, oo aynu ka gaashaamano aafooyinka mar kasta ina qabsada horumarna aynu tiigsano:

"Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada."  (Cibraaniyada 11:7).

Rumaysigii uu Ilaahay ku qabey daraaddeed waxay Nuux u sababtay inuu aaamino digniintii Ilaahay ee ahayd khatartii soo socotey. Isla rumaysigaa ayaa isaga u keenay inuu khatartaa ka cabsado oo uu ka gaashaanto. Ilaahay ma badbaadin karey Nuux iyo qoyskiisii xataa isaga oo aan doontii dhisin? Haa. Laakiinse arrinta muhiimka ahi waxay ahayd adeecidda Ilaahay. Haddii uusan Nuux dhiseen doontii uu Ilaahay u sheegay inuu dhiso, waa xaqiiq inay isaga iyo reerkiisu daadkii ku dhiman lahaayeen.

Kitaabka Bilowgii ee Towreedda cutubka 41-aad ayaa inoo soo gudbinaya qiso kale oo ku saabsan khatar laga gaashaantay. Boqorkii Masar ayaa ku riyooday riyooyin xun xun. Nin dhallinyaro ah oo Yuusuf la odhan jirey, oo hibo u lahaa inuu riyooyinka fasiro ayaa boqorkii loogu yeedhay si uu riyooyinka ugu sharraxo.

Riyooyinku waxay ahaayeen digniin Ilaahay ka timid, inay jiri doonaan toddoba sannadood oo barwaaqo ah oo ay ku xigi doonaan toddoba sanno oo abaar xun ahi. Haddii aan la diyaar garoobin kumanaan qof ayaa dhiman dooney.

Yuusuf xigmadda Ilaahay ayaa ka buuxdey, wuxuuna Fircoon u sheegay sidii abaartaa xun looga gaashaaman lahaa.

"Tan yeel oo waxaad doorataa niman dalka u sarreeya, oo waxa toddobada sannadood oo barwaaqada ah dhulka ka baxa inta shanaad ha ururiyeen. Oo cuntada oo dhan sannadahan wanaagsan oo imanaya ha ururiyeen, hadhuudhkana ha kugu hoos kaydiyeen, Fircoonow, oo intay cunto ahaan magaalooyinka u dhigaan, ha ilaaliyeen. Cuntaduna kayd bay dalka u noqon doontaa toddobada sannadood oo abaarta ah oo ka dhici doonta dalka Masar, si aan dalku abaarta ugu baabbi'in.” (Bilowgii 41:34-36)

Ilaahay wuxuu ina siiyey xigmad iyo xilliyo callaammad ah; xilli barwaaqo ah iyo mid abaar ah. Innaga ayaynu inagu xidhan tahay sidii aynu xilligaa barwaaqada ah uga faa’iideysan lahayn oo u diyaarsan lahayn sidii aynu uga gudbi lahayn xilliga abaarta ah ee soo socda. Xataa wuxuu Baybalku ina barayaa inay xayaawaanku tan garanayaan:

"Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga...” (Maahmaahyadii 30:24-28).

Sayid Ciise Masiix Laftiisa ayaa digniinta ina siiyey:

"Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleeyo.” (Matayos 10:16).
​
Baaba’a iyo burburka Soomaalida ku ragaadey ee ku soo noqnoqonayaa maaha inuu Ilaahay Soomaalida ka neceb yahay dadka kale, laakiinse waa waa mid ku sallaysan hab fikirka dhaqan ahaaneed ee Soomaalida, kaas oo u baahan in wax weyn laga beddelo!
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    Picture

    Author: Abdi Duale

    Archives

    September 2019
    November 2018
    September 2018
    June 2018
    May 2018
    April 2018
    March 2018
    December 2017
    August 2017
    May 2017
    February 2017
    December 2016
    November 2016
    September 2016
    August 2016

    RSS Feed

    AKHRISYO DHEERAAD AH
    (Guji sawirka oo akhriso)
    Picture
    Picture
    Picture
    Picture
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US