Qore: Abdi DualeQaylo dhaan ayaa maalmahanba Soomaalida ka dhex taagneyd, kaddib markii ay gabadh Kaatolig ahi shir ka dhex sheegtay inay Kaniisadda Hargeysa ku lug leedahahay. Marka laga soo tago dooda ah haddii Masiixiyiintu xaq u leeyihiin inay waddan Muslin ah goob caabudaad ka dhistaan iyo in kale, iyo xadiisyo/aayado soo daliilinta, waxay ila noqotay in aniga oo Soomaali Masiixi ah, aadna ugu dhuun daloola Masiixiyiinta Soomaaliyeed, aan runta ka sheego xidhiidhka annaga iyo kaniisaddan naga dhexeeya. Kaniisaddani ma aha mid ay Soomaalida Masiixiyiinta ahi lug ku leeyihiin - dib u dhiskeeda iyo maamulkeeda-toona. Sida uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland caddeeyey, waxaa kaniisaddaa codsaday oo ay u adeegtaa dadka Kaatoliga ah ee Somaliland u jooga hawlaha kala duduwan. Tani waxay qaabilaysaa hadal uu Bishop Giorgio Bertin, oo ah Baaderiga Kaniisadda Kaatoliga u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti ku qoray wargeyska Catholic World Report, halkaas oo uu sidan ku yidhi:
"Ku dhowaad 10 Masiixiyiin ah ayaa kaniisaddaa ku caabuda...Kuwaas badankoodu waa dad qalaad, oo ka kooban kuwo u shaqeeya Qarammada Midoobey iyo hay'adaha kale ee caawimaadda ee Hargeysa deggan. Waxay kale oo kaniisaddu saldhig u tahay shaqada hay'adda Caritas ee Soomaaliya, tan oo haysa hawlo ay ka mid yihiin dib dhiska iskuullada iyo cisbitaallada, qaybinta raashinka, iyo caawimaadda carruurta faqiirka ah." Masiixiyiin Soomaali ahi way ku nool yihiin Somaliland iyo Soomaaliya qaybaheeda kaleba. Waxaa kale oo waddanka ku nool oo weliba ku soo badanaya Masiixiyiin soo galooti ah, ha noqdeen Itoobiyaan, Kiinyaati ama kuwo waddamo u kale u dhashayba. Way jiraan kuwo Masiixiyiintan ah oo wakhtiyo kala duduwan caabudaad isugu yimaadda guryo ama xarrumo ay iyagu isla og yihiin. Markaa, lama odhan karo kaniisaddu awelba Soomaaliya way ka maqnayd. Ciise Masiix wuxuu xertiisa baray, "Meeshii laba ama saddex qof ay magacayga isugu soo ururaan, halkaas anigu dhexdoodaan joogaa." (Matayos 18:20). Waa tan kaniisadda runta ahi. Haddii sidan loo eegona waxaa Soomaaliya ka jira boqolaal kaniisadood! Cali Dhuux, oo ahaa mid ka mid ah gabyaayadii hore ee Soomaalida ugu caqliga badnaa uguna aftahansanaa wuxuu Soomaalida hubsasho la'aantooda iyo wax-aanay-shaqo-ku-lahayn-ku-mashquulkooda ka yidhi, "dhambaal lalama yaaciyo waraaq sida dhalliileed e ...." Idinka oo aan waxba hubsan lama qaylo dhaamiyo oo fatwooyin lagama soo saaro wax aan dhib ahayn! Waxaan ku soo gabagabeynayaa, in la ilaaliyo ammaanka Somaliland oo aan loo waxyeellayn kaniisad yar darteed, tan oo jiritaankeeda iyo jiritaan la'aanteeduba aanu waxba ka beddeleyn Soomaalida badan ee Masiixiyiinta noqonaysa! Nabadi ha idinla jirto.
1 Comment
Abdi Duae
4/8/2017 13:13:37
Ilaahay ha idin barakeeyo
Reply
Your comment will be posted after it is approved.
Leave a Reply. |