Qore: Abdi Duale Dhibaatooyin badan oo Soomaalida ku dhacaa waxay ku sallaysan yihiin sida ay dhaqan ahaan u fekeraan. Abaar weyn sida ta hadda jirta ah ayaa dhacaysa taas oo dad iyo xoolloba baabi’inaysa, haddana waxaa ka daba imaanaya roobab, laakiinse waxaad maqlaysaa inuu roobkiina dad badan qaaday, daacuun biyood dhaliyey, ama uu nabaad guur keenay. Dad badan baa u dhammaanaya cudur si yar looga hortegi karo ama loo daaweyn karo, waxaad maqlaysaa “toodii baa dhammaatay.”
Arrin Ilaahay qofka u siiyey aqoon, awood, iyo wakhti uu wax kaga qabto ayuu ku odhanayaa “Inshaa-allaah”. Taas macnaheedu waxa weeye laga yaabee inaan hawshaa qabto ama aanan qaban, si kasta aan sameeyee Ilaah baa qoray! Hab fikirka noocan ahi wuxuu Soomaalida baday inay xamilaan nolosha oo ay ka dhacaan, aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay iyagu isu keeneenba, halka ay dadyowga kale ku dadaalaan inay dhibaatooyinka soo mara ka gaashaantaan inaanay ku soo noqnoqon.
0 Comments
|