Ilaa iyo markii aan dhashay, waxay imaamada masaajidada iyo qoyskayagu i barayeen in uu Islaamku yahay “diin nabadeed.” Midda yaabka lihi waa inuu hal-hayskan caanka noqday jirey xataa muddo aad iiga horreysey.
0 Comments
Qore: Yaroslav Trofimov ![]() Turkiga iyo Sucuudiga qarniyaal badan ayay cadaawadi ka dhexeysey. Hadda, baadhitaan dil ayaa soo nooleeyey hirdankoodii adkaa, kan oo laga yaabo in uu Bariga Dhexe khalkhal weyn geliyo. SAWIRE: EDEL RODREGUEZ Laba qarni ka hor, dhammaadkii 1818, boqor Sucuudi ah ayaa Istambuul la geeyey isaga oo silsiladaysan. Masaajidka Hagia Sophia ayaa isaga oo shabag bir ah ku xidhan (sida xayawaanka) la hordhigay halkaas oo ay dad badan oo taas ku faraxsani isugu soo baxeen , dabadeedna, iyadoo weli dareenkaa farxadda iyo dabaaldegga ah lagu jiro, ayaa madaxa laga gooyey. Dhacdadan arxan-darrada ah ee Turkiga iyo Sucuudi Carabiya ka dhex dhacday, lama soo hadal qaadin markii uu isku dhicii labada waddan bilowday bishii Oktoobar 2, kaddib markii suxufigii Sucuudiyaanka ahaa ee Jamal Khashoggi lagu dhex diley safaaradda uu Sucuudigu ku leeyahay Istambuul. Cadowtinimadaa soo jireenka ah darteed ayay arrintani Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan fursad wanaagsan u siiyey inuu dhimashada weriyahaas u ciqaabo Guriga reer Sucuud. Qore: Abdi Duale "Ilaaha ammaantaydow, ha iska aamusin, waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, oo waxay igula hadleen carrab been sheega. Oo weliba waxay igu harreereeyeen erayo nacayb badan, oo sabab la'aan bay iigula dirireen. Anigoo jecel bay cadow ii yihiin. Laakiinse, anigu Ilaah baan baryaa. Wanaag waxay iigaga abaalgudeen xumaan, jacaylna nacayb" (Sabuurrada nebi Daa'uud 109:1-5).
A. HORDHAC Marka laga soo tago cayda, habaarka, hanjabaadda, takoorka, iyo dhibaatooyinka kale ee badan ee naga soo gaadha Soomaalida Muslimiinta ah, waxaa kale oo jirta arrin soo noqnoqota oo Soomaali badan ka dhaadhacsan oo ay nagu eedeeyaan, taas oo ah: inay Soomaalida Masiixiyiinta ahi diinta uga baxeen lacag la siiyey darteed! Waxaa fikradaha ay Soomaalidu noo soo diraan aad ugu badan, "lacag baad qaadateen, diintii baad iibsateen, adduun baad diintii ku beddelateen... iwm." Qore: Bassam Michael MadanyWar kuma yara adduunka Carabta haddii aad eegtid wargeysyada la daabaco iyo internet-kaba. Wararka saaka igaga soo hor baxay ilo-wareedyo kala duduwan waxaa ka mid ahaa: "Dadaalka Iraan ugu Jirto inay Saamayn Dheeraad ah ku Yeelato Ciraaq iyo Siiriya oo Kacdoon lagala Hor Yimid." "Madaafiic ay Maleeshiyada reer Gaza ku tuureen Israa'iil ayaa Israa'iil duqayn kaga jawaabtey." Iyo mowduucyo kale oo aan haba yaraatee wanaag ku sallaysnayn sida kooxo Liibiya jooga oo madaxnimada isku haysta, colaadda Siiriya iyo qolooyinka badan ee gacanta kula jira iyo wixii la mid ah.
Haddii dhinac kale laga eego, haba yaraatee warbaahinta caadiga ahi waxba kamay odhan isbeddelka ka socda bulshooyinka Carabta dhexdooda ee tusaya sida xawliga ah ay dhallinyaradu diinta Islaamka uga "sii qulqulayaan." Laga yaabee inay warbaahinta reer Galbeedku mowduucan u arkaan mid xaasaasi ah oo ay tahay in laga aamuso! Qore: Bassam Michael Madany Sannadkii 2008, waxaa la daabacay buug la yidhaahdo “Le Génocide Voilé” oo uu qoray nin reer Sinigaal ah oo ku nool caasimada waddankaa ee Dakar, oo magaciisa la yidhaahdo Tidiane N’Diaye, oo ku takhasusay cilmiyada dhaqanka iyo dhaqaallaha. Qoraalkani waa dulmar buuggaas ku saabsan:
“Carabtu muddo saddex iyo toban qarni ah ayay si aan kala joogsi lahayn u soo weerarayeen oo u dhacayeen Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa (Madow). Inta badan raggii ay qafaasheen ee kaxaysteen waa le’deen, sidii bini’aadanimada ka basxanayd ee loola dhaqmay darteed. Cutubkan xanuunka leh ee taariikhda dadka Madow ahi uma muuqdo mid joogsadey. Hab-dhaqankan xun ee ay Madowga kula kacayaan wuxuu bilowday kaddib markii uu nin Amiir iyo Jeneraal ahaa oo Carab ah oo la odhan jirey Cabdillaahi bin Siciid ku khasbay Suudaaniyiinta “Bakht” (heshiis) sannadkii 652, kaas oo iyaga ka dalbanayey inay sannad kasta isaga u keenaan boqollaal addoomo ah. Badankoodu waxay ahaayeen rag laga soo uruuriyey dadka reer Darfuur. Halkaas ayaa noqotay meel si sharciyan malyuumaad Afrikaan ah laga daadgureeyo taas oo si aan kala joogsi lahayn u socotey ilaa iyo bilowgii qarniga 21-aad.” Faafiddii Injiilka waxaa saldhig u ahaa Amarkii Weynaa ee Ciise Masiix xertiisa siiyey ka hor intii uusan samada u bixin, ee uu iyaga ku yidhi, ”Taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa, oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray,” (Injiilka, Matayos 28:19, 20). Maaddaama ay faafinta Injiilku ahayd mas’uuliyad aad u weyn, waxay ahayd in xertii lagu xooggeeyo awoodda Ilaahay si ay amarkan u fuliyaan {xasuuso inaanu Injiilku ku faafin seef iyo jihaad}. Sidaas daraaddeed, ayuu Ciise Masiix xertiisii aadka u tirada yarayd ku yidhi, “Jooga magaallada {Yerusaalem} ilaa xoog laydinka huwiyo xagga sare” (Injiilka, Luukos 24:49). Iyagoo awooddan Ilaahiyanka ahi xooggeyneyso ayay kari dooneeyn inay Masiixa uga markhaati kacaan, “Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog” (Falimaha Rasuullada 1:8).
![]() Muddo dheer oo aan Injiilka akhrisanayey waxaa maalinba maalinta ka dambeysa ii soo caddaaneysey oo igaga yaabineysey isu ekaanshaha aadka weyn ee ay wadaagaan culimada Soomaaliyeed ee maanta badankooda iyo wadaadadii Yuhuudda ee Faarisiinta la odhan jirey ee wakhtigii Ciise, kuwaas oo ugu yeedhay “laba wejiileyaal.” Faarisiintu waxay ahaayeen wadaadadii Yuhuudda ee ugu muhiimsanaa wakhtigii uu Ciise Masiix adduunka joogey. Waxay isu haysteen inay ahaayeen kuwa ugu xaqsan, ugu fiican, ugu quduusan, oo u qalma inay dadka hoggaan u noqdaan. Sharciyadii Towreedda ayay sii balaadhiyeen oo ka dhigeen kuwa aanay suurtogal ahayn inay dadku dhowraan. Waxay keliyoo had iyo goor ku mashquulsanaan jireen inay naftooda, dadka kale iyo Ilaahay tusaan sida ay ehlu-diinka u yihiin oo ay qaynuunada u dhowraan, kuwaas oo ay dhab ahaantii iyagu qorteen. Qoraalkan waxaynu ku eegeynaa qaar ka mid ah dabeecadihii iyo hab dhaqankii khaldanaa ee uu Ciise Masiix ku arkay Faarisiinta kuna eedeeyey, kuwan oo si toos ah looga arko culimada Soomaalida ee maanta badankooda. Dhowr aayadood ayaynuna ka soo xiganeynaa Injiilka Quduuska ah: Waxaad is weydiin kartaa, maxay iister-ku muhiim u tahay? Waayo, haddii aan iister jirin Masiixiyadduna ma jirteen! Dhimashadii iyo sarakiciddii Ciise Masiix ayaa saldhig u ah wax kasta oo ay Masiixiyiintu rumaysan yihiin! Dhimashada Ciise ayaa inoo oggolaatay inaynu Ilaahay dib ula heshiino. Sarakiciddiisa ayaa ina siinaysa rajo ah inaynu mar kale noolaanayno, xataa dhimashada kaddib, “Oo haddii aan Masiixa la sara kicin, rumaysadkiinnu waa khasaare, oo weli dembiyadiinna ayaad ku jirtaan” (1 Korintos 15:17).
|