SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Waa kuma Ilaahay?

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 1

WAA KUMA ILAAHAY? SIDEE AYUU ISAGU U EG YAHAY? Dad badan ayaa u haysta inay dembi tahay in su'aalahan la is weydiiyo, laakiinse in su'aalahan la is weydiiyo oo jawaab loo helaa waxay aasaas u tahay in Ilaaha runta (dad badan ayaa ilaahyo been ah caabuda) ah la garto, oo Isaga la siiyo caabudaada iyo maamuuska uu u qalmo.​
​Casharkeenii kan ka horreeyey waxaynu ku soo aragnay inuu Ilaahay hadlay! Ilaahay wuxuu la hadlay bini'aadanka Isaga oo nebiyadiisii isticmaalaya, oo wuxuu inaga rabaa in mid kasta oo innaga ahi uu Isaga dhegeysto. Ilaahay marna isma beddelo, Eraygiisuna marna isma beddelo. Ilaahay ayaa weligiis Eraygiisa ilaalinayey ama xafidayey. "Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaa, laakiinse erayadaydu ma idlaan doonaan." (Matayos 24:35) "Qorniinka lama jebin karo." (Yooxanaa 10:35) Sidaas ayaa Kitaabka Ilaahay odhanayaa.
Maanta waxaynu eegeynaa qaybta ugu horraysa ee Kitaabka Quduuska ah Tan waxaa loogu yeedhaa Towreeddii. Ilaahay ayaa kitaabkan ku abuuray ama geliyey qalbigii nebi Muuse. Ilaahay wuxuu Muuse u sheegay inuu kan qoro, Muusena wuu qoray. Qiyaastii waxaa hadda wakhtigaa laga jooga ilaa iyo saddex kun iyo shan boqol oo sanno. Towreeddu waxay ka kooban tahay shan kitaab, ama shan qaybood. Qaybta ugu horraysa waxaa la yidhaahdaa Bilowgii, wuxuuna ka kooban yahay konton cutub. Kan waxaa loogu yeedhay Bilowgii waayo wuxuu inoo sheegeysaa wixii bilowgii dhacay. 
Muhiimad ayay inoo leedahay inaynu si fiican u fahanno kitaabka ugu horreeya ee Towreedda, waayo kani waa aasaaskii uu Ilaahay dhigay, si aynu u fahmi karno waxa uu Ilaahay ku odhanayo kitaabada nebiyada ee kan ku xiga. Inta aynu kitaabkan baranayno, waxaa sii qoto dheeraanaysa aqoonteena xaqiiqooyin muhiim ah. Waxaynu baran doonaa wax Ilaahay ku saabsan iyo Ka uu Isagu yahay. Waxaynu baran doonaa wax ku saabsan malaa'igaha iyo Shaydaanka, adduunka iyo aakhiro, xayawaanka iyo bini'aadanka. Waxaynu baran doonaa sidii uu dembigu adduunka ku soo galay ee uu u keenay burbur iyo murugo weyn. Laakiinse waxaynu kale oo si taxaddar leh u imtixaami doonaa jidka badbaadada ee uu Rabbiga Ilaahay ahi diyaariyey ama bixiyey si ay dembiileyaashu Ilaahay ugu soo noqon karaan oo ay xidhiidh fiican Isaga ugula yeelan karaan. Qisooyinka ugu horreeya waxaynu ku arki doonaa dadkii ugu horreeyey, dembigii ugu horreeyey, iyo gacan ku dhiiglihii ugu horreeyey. Waxaynu akhrin doonaa wax ku saabsan diimihii beenta ahaa ee ugu horreeyey, nebiyadii ugu horreeyey, iyo qaramadii ugu horreeyey. Waxaynu ka fekeri doonaa qisadii Aadan iyo Xaawa, Qaabiil iyo Haabiil, Nuux iyo daadkii, Nebigii Ilaahay ee Ibraahim iyo sababtii isaga loogu bixiyey saaxiibkii Ilaahay. Waxaynu eegi doonaa Ismaaciil iyo Isxaaq, Ceesaw iyo Yacquub, Yuusub iyo walaalihiisii sharka lahaa. Kitaabka ugu horreeya ee Towreeddu waxyaalahan oo dhan iyo dheeraad ayuu ka kooban yahay.
Kitaabka Towreedda ugu horreeya aayaddiisa koowaad waxay odhanaysaa: "Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray." (Bilowgii 1:1) Waa inaynu barashadeena Kitaabka Quduuska ah aayaddan ku bilownaa waayo Ilaahay Laftiisa ayaa Kitaabkiisa halkan ka bilaabay: "Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray."
Marka aynu aayaddan ka fekerno waxay noqonaysaa inaynu is weydiino, maxaa jirey ka hor intii aanu Ilaahay samada iyo dhulka abuurin? Maxaa jirey ka hor intii aan adduunka la abuurin? Kitaabka Quduuska ahi wuxuu ina tusayaa inaan waxba jirin Ilaahay mooyaane. Waa sababtaa ta ay aayaddu u odhanayso, "Bilowgii Ilaah...." Wax kasta oo aynu arki karno oo taaban karnaa bilow ayay leeyihiin. Sidaas daraadeed wakhti aad fog, waxaa jirey wakhti aan cir, dhul, bad iyo geedo toona jirin. Intii aanu Ilaahay samada iyo dhulka abuurin ka hor qorax, dayax iyo xiddigo toona ma jirin. Bilowgii, bini'aadan iyo malaa'igo toona ma jirin. Waxaa jirey beri ama wakhti aan waxna jirin--Ilaahay mooyaane.
Waa sababtaa ta aynu kitaabka ugu horreeya Qorniinka Ilaahay uga akhrino, "BilowgiiIlaah samada iyo dhulkuu abuuray." Kitaabka Quduuska ahi ma odhanayo "Bilowgii Ilaahay iyo malaa'igaha" ama "Bilowgii Ilaahay iyo dadka." Maya, Kitaabka Ilaahay wuxuu odhanayaa, "Bilowgii Ilaah...." Bilowgii, ka hor intaan waxba weli jirin, ka hor intaan malaa'ig iyo bini'aadan toona jirin...waxaa jirey hal Ilaah oo keliya oo nool. Isagu waa Ilaah Keliya!
Dad badan oo adduunka ku nool ayaa yidhaahda, "Ilaahay ma arki karno, sidaa daraadeed Ilaah ma jiro." Dadkaa dafiraya jiritaanka Ilaahay, waxaan jecellahay inaan dhowr su'aalood weydiiyo. Idinku weligiin atam (atom) ma aragteen? ama oxogiin-ka (oxygen) aad neefsataan? Weligiin dabayl ma aragteen? Dabaysha ma arki kartaan, laakiinse waxaad rumaysan tihiin inay jirto waayo waxaad aragtaan waxa ay dabayshu samayso ama sababto. Waxaad arki kartaan dhirtii oo dabayli ruxayso, laakiinse qofna dabaysha lafteeda ma arki karo. Dabaysha gacantaada kuma qaban kartid, laakiinse dabaysha wejigaaga ku dhacaysa waad dareemi kartaa. Sidaas oo kalena, Ilaahay ma arki kartid, waayo indhaha bini'aadanku Ilaahay ma arki karaan. Laakiinse, waxaanu ognahay inuu Ilaahay jiro waayo waxaanu aragnaa waxa uu Ilaahay abuuray. Kitaabka Quduuska ahi wuxuu odhanayaa: "Maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan." (Rooma 1:19, 20)
Wax kale oo aynu aayadda Towreedda ugu horraysa ka baranaynaa waa: Ilaahay bilow ma laha. Ilaahay bilowgii lama abuurin. Ilaahay waa Ilaah abadiyan ah. Wax kastoo aynu adduunka ku aragnaa bilow ayay leeyihiin. Laakiinse Ilaahay bilow ma laha. Lama odhan karo Isaga waxaas ayaa laga sameeyey. Isaga mid la mid ahi ma jiro. Isagu bilowgiiba wuu iska jirey. Oo midna Isaga ma dhalin. Midna Isaga ma abuurin, Isaga Laftiisuna isma abuurin. Sidaas ayaynu Qorniinka ka akhrinaa, "Bilowgii Ilaah...." Isagu bilow ma leh. Waa Ka weligiis jirey ee weligiis nool. Magaciisu waa Rabbiga Daa'imka ah. Isagu shalay, maanta iyo beriba waa isla Kii uun. Ilaahay marna isma beddelo.
Waxaa jira wax kale oo aynu ka baran karno aayadda odhanaysa, "Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray." Taasina waa: Ilaahay wuu weyn yahay! Ilaaha wax kasta abuuray wuu ka weyn yahay wax kasta iyo qof kasta. Isagu waa Rabbiga Abuuritaanka. Waa run inaynu si daacad ah u odhan karno: "Alaahu Akbar!"ama Ilaahay wuu weyn yahay! Isaga mid la mid ahi ma jiro. Isagu wuu ka weyn yahay wax kasta oo adduunka yaalla ama jooga. Isagu wuu ka xigmad badan yahay oo ka awood badan yahay ruuxaanta iyo bini'aadanka oo la isku daray oo dhan. Wuxuu u qalmaa in weligiis la amaano! Sida uu qofka guriga dhisayaa uga muhiimsan yahay guriga, isla sidaas oo kale ayaa Ilaahay wax kasta uga sarreeyaa, waayo Isaga ayaa wax kasta abuuray. Ilaahay wuu weyn yahay! Awooddiisa ayuu ku nool yahay ama ku jiraa. Isagu waxba kuma tiirsana, oo waxna ama qofna uma baahna. Isagu waa Weyne!
Innagu bini'aadan ahaan baahiyo badan ayaynu leenahay. Waa inaynu neefsanaa oo seexanaa, oo wax cabnaa oo cunaa. Waxaynu u baahannahay qorax iyo roob, cunto iyo biyo, dhar iyo hoy, hooyo iyo aabbe, asxaab iyo lacag iyo waxyaalo kale oo badan. Laakiinse, Ilaaha wax kasta abuuray, waxba uma baahna! Isagu ma gaajoodo, oo ma harraado. Isagu marna ma daalo. Oo Isagu jidh uma leh sida bini'aadanka. Wax Isaga xaddidi karaa ma jiraan. Isagu dhammaad ma leh. Waa Ilaah Abadiyan ah. Isagu waa Awood Weyne.
Haddaba aynu su'aal muhiim ah is weydiino. Haddii uusan Ilaahay bini'aadan oo kale ahayn oo uusan jidh lahayn, haddaba Isagu waa sidee ama muxuu u eg yahay? Kitaabka Quduuska ahi jawaab cad ayuu su'aashan ka bixinayaa. Wuxuuna odhanayaa, "Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta." (Yooxanaa 4:24) Sidee Ilaahay u eg yahay? Ilaah waa ruux. Bini'aadanku jidh iyo ruux ayuu ka kooban yahay, laakiinse Ilaahay waa ruux oo keliya. Ruuxa Ilaahay xaddidaad ma leh. Isagu meel kasta ayuu joogaa. Ilaahay wax kasta wuu ka sarreeyaa. Wax kastaana isaga ayay ku jiraan. Isagu wax kasta wuu arkaa. Habeenka iyo maalintu isku mid ayay Ilaahay u yihiin. Haddii aad qolladaada isku qarisid Ilaahay meeshaas wuu joogaa, oo wuu ku arkaa. Ilaahay wax kasta ayuu og yahay. Isagu wuu og yahay ula jeeddooyinkaaga iyo damacyada qalbigaaga. Ilaahay wuu weyn yahay!
Haddaba waa sidee Ilaahay? Waxaynu casharkeenan ku soo koobi karnaa sidan: Wax Ilaahay la mid ahi ma jiraan. Ilaahay waa Ilaahay mid u dhigmaana ma jiro. Casharradeena mustaqbalka ayaynu ku sii kordhinaynaa fahankeena ah dabeecadda Ilaahay. Kitaabka Quduuska ah waxaa ku qoran boqollaal magac oo Ilaahay loogu yeedhay. Isagu waa Rabbiga. Ka ugu Sarreeya. Ka ugu Weyn. Abuuraha. Bixiyaha Nolosha. Iftiinka. Ka Xaqa ah. Ka Quduuska ah. Ka Naxariista. Ilaaha Jacaylka leh. Ilaaha nool ee runta ah! Run ahaantii, Ilaahay, kaas oo bilowgii samada iyo dhulka abuuray, waa Mid Weyn. Kitaabka Quduuska ahi wuxuu Isaga ka odhanayaa:
" Mool dheeraa hodantinimada iyo xigmadda iyo aqoonta Ilaah!... Waayo, wax waluba isagay ka yimaadeen oo ku yimaadeen oo u yimaadeen aawadiis." (Rooma 11:33,36) "Kan ammaanta leh oo keligiis xoogga leh, oo ah Boqorka boqorrada iyo Sayidka sayidyada, kan keligiis aan dhimanayn, oo ku dhex jira nuurka aan loo dhowaan karin, oo aan ninna arkin, lana arki karin; isagu ha lahaado ciso iyo itaal weligiis. Aamiin!" (1 Timoteyos 6:15,16)
Meel kale oo Kitaabka Quduuska ah ayaa nebigii Ilaahay ee Muuse ku amaanayaa Ilaahay isaga oo leh, "Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.Rabbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey." (Muujintii 15:3,4) Ilaahay weligiis wuu weyn yahay! Waa taas ta ay ayaadda ugu horraysaa ina baraysaa marka ay leedahay, "Bilowgii Ilaah....!"
Sidaa daraadeed walaalayaal, waa inaynu maskaxda ku hayno wixii aynu casharkan ku barannay: "Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray." Ilaahay oo keliya ayaa bilowgii jirey, sidaa daraaddeed Ilaahay oo keliya ayaa inoo muujin kara runta ku saabsan wixii bilowgii dhacay. Ilaahay oo keliya ayaa inoo muujin kara waxa mustaqbalka iyo aakhiro dhici doona. Ilaahay oo keliya ayaa runta ama xaqiiqooyinka Isaga Laftiisa ku saabsan inoo muujin kara.
Ilaahay ha idin barakeeyo, aayaddana maskaxda ku haya oo xasuusta: 
"Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta." (Yooxanaa 4:24)


0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US