SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Sidii uu Ilaahay Adduunka u Abuuray

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 1

​Bilowgii, Ilaahay wuxuu markii ugu horreysey abuuray dhulka iyo samooyinka, oo adduunku wuu madhnaa. Adduunku qaab ma lahayn oo mugdi ayuu ahaa. Shaydaanka iyo malaa'igihiisa ayaa meeshaas joogey. Laakiinse, Ilaahay wuxuu qorsheeyey inuu bini'aadan abuuro, kuwaas oo awood u leh inay Ilaahay gartaan, oo Isaga jeclaadaan oo abidkood adeecaan. Laakiinse, ka hor intii uusan Ilaahay ninka abuurin, Isagu wuxuu qorsheeyey inuu sameeyo adduun qurux badan oo uu ninku si barwaaqo leh ugu noolaan karo. Casharkeenan, waxaynu ku arki doonaa sidii uu Ilaahay adduunka u abuuray oo ugu diyaariyey dadkii uu Isagu qorsheeyey inuu abuuro.
​Muxuu Erayga Ilaahay ka odhanayaa sidii uu Ilaahay adduunka ku abuuray? Wuxuu odhanayaa, "Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan." (Baxniintii 20:11) Hadda, aynu eegno cutubka ugu horreeya ee Towreedda si aynu aragno wixii uu Ilaahay lixdaa maalmood abuuray.
1.) Erayga Ilaahay wuxuu maalintii ugu horreysey ka odhanayaa:
"Oo Ruuxa Ilaahna wuxuu ka dul dhaqdhaqaaqayay biyaha. Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiin ha ahaado: iftiin baana ahaaday. Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii. Ilaahna iftiinkii wuxuu u bixiyey Maalin, gudcurkiina wuxuu u bixiyey Habeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, isla maalin ah." (Bilowgii 1:2-5)
Markaa, maalintii ugu horreysey, Ilaahay wuxuu amray, "Iftiin ha ahaado gudcurka dhexdiisa." Ilaahay wuxuu amray inuu adduunka oo sida kubad weyn oo kale ahi, uu 24-kii saacba hal mar wareego. Waa sababtaa ta aynu u haysano 12 saacadood oo maalin ah iyo 12 saacadood oo habeen ah. Maalintii ugu horreysey, Ilaahay iftiinkii iyo mugdigii ayuu kala saaray.
2.) Erayga Ilaahay wuxuu maalintii labaad ka odhanayaa:
"Ilaahna wuxuu yidhi, 'Meel bannaani ha noqoto biyaha dhexdooda, oo iyadu biyaha ha ka soocdo biyaha.' Markaasuu Ilaah sameeyey meeshii bannaanka ahayd, oo wuxuu biyihii bannaanka ka hooseeyey ka soocay kuwii bannaanka ka sarreeyey; sidaasayna ahaatay. Ilaahna bannaankii wuxuu u bixiyey 'Samo'." (Bilowgii 1:6-8)
Maalintii labaad Ilaahay samada dhulka ku wareegsan ayuu abuuray. Samadu dhulka ayay ku wareegsan tahay oo waxaa ku jira hawada aynu neefsano, waxay kaloo samadu inaga ilaalisaa kulaylka qoraxda iyo dhibaatooyin badan oo kale. Haddii uusan Ilaahay maalintii labaad samada abuurin innagu adduunka kuma noolaan karneen. 
3.) Maalintii saddexaad, Ilaahay wuxuu abuuray badaha, dhulka, iyo geedaha. Akhri waxa uu Erayga Ilaahay odhanayo:
"Ilaahna wuxuu yidhi, 'Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato.' Sidaasayna ahaatay. Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey 'Dhul',  ururkii biyahana wuxuu u bixiyey 'Bado'. Oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. Ilaahna wuxuu yidhi, 'Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal.' Sidaasayna ahaatay.Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii saddexaad." (Bilowgii 1:9-11, 13)
Markaa, maalintii saddexaad, Ilaaha Abuuraha ahi, wuxuu abuuray badaha iyo webiyada, iyo kumanyaalka geed ee kala duduwan, kuwaas oo mid kastaa leeyahay midhihiisa u gaarka ah. Bal ka feker inta nooc ee cunto macaan ee uu Ilaahay geedaha inaga siiyo, lama tirin karo. Isaga oo waxa uu abuuray ka hadlaya ayuu Ilaahay yidhi, "Way wanaagsan yihiin!" Wax kasta oo Ilaahay sameeyo ama qabtaa waa wax wanaagsan, oo cajiib ah, oo aan iin lahayn! Waxaynu hore u soo aragnay inuu jiro hal wax oo uusan Ilaahay samayn karin. Ilaahay xumaan ma samayn karo, waayo Ilaahay waa Wanaagsan yahay!
Laga yaabee inay qaarkiin is weydiiyaan, "Haddii uu Ilaahay wanaag yahay, haddaba maxaa adduunka sharka iyo dhibaatadu uga buuxaan? Muxuu cunuggaygu u xanuunsanayaa? Maxaan xoolahaygu iiga dhammaadeen? Haddii Ilaahay wanaagsan yahay, maxay dadku sharka u sameeyaan? Runtii, kuwani waa su'aalo muhiim ah, oo Erayga Ilaahayna wuxuu inaga siinayaa jawaabo lagu qancayo kuwaas oo aynu casharradeena soo socda kaga hadli doono. Haddase, aynu keliyoo xasuusano runtan muhiimka ah: Ilaahay waa wanaag, sidaas daraadeed, wax kasta oo uu Ilaahay abuuray waa wanaagsan yihiin.
Bal aynu in yar ka fekero wanaagga Ilaahay. Waxaynu hadda aragnay sidii uu Isagu maalintii saddexaad geedaha u abuuray. Laakiinse muxuu isagu geedaha midhahooda leh u abuuray? Miyaynu innagu kuwaas u baahanahay? Ma Isaga ayaa kuwaa ka faa'iida? Maya! Ilaahay marna ma gaajoodo oo waxba uma baahna! Erayga Ilaahay wuxuu inoo sheegayaa in Ilaahay, wanaaggiisa daraadiid, uu wax kasta ninka u sii abuuray, kaas oo uu qorsheeyey inuu maalinta lixaad abuuro.
Adigu ma garowsan tahay wanaagga Ilaahay? Markaad canbe macaan cuntid, ama ubax udgoon ursatid, miyaan wanaagga Ilaahay maskaxdaada ku soo dhicin? Markaad geed hadhsatid, miyaadan Kii abuuray ugu xamdi niqin? Geedaha la'aantood noloshu aad ayay inoogu adkaan lahayd. Guryo ma dhisan karneen, ma heleen meelaynu kulaylka qoraxda iyo qabowga ka galo, wax aynu dab ku shidano, cuntu ku karsano, daawo ka samaysano; geedaha la'aantood noloshu suurtogal maaha. Geedahu waa mid keliya oo ka mid ah kumanyaalka wax ee uu Ilaahay innaga wanaaggeena u abuuray. Ilaahay wuxuu doonayaa inaynu wanaaggiisa garano oo ogaano. Waana sababtaa ta uu Daa'uud ugu qoray Sabuurrada oo u yidhi, "Bal dhadhamiya oo arka in Rabbiguwanaagsan yahay." (Sabuurradii 34:8)
4.) Maalintii afraad, Ilaahay wuxuu yidhi, "Ilaahna wuxuu yidhi, Iftiimmo ha ahaadeen meesha bannaan oo samada dhex ah si ay u kala soocaan maalinta iyo habeenka; oo ha u ahaadeen calaamooyin, iyo xilliyo, iyo maalmo iyo sannado." (Bilowgii 1:14) Ilaahay amar uun buu bixiyey, markaasaa qoraxda, dayaxa iyo xiddiguhu samada ku samaysmeen.
Muxuu Ilaahay isticmaalaa si uu wax kasta oo adduunka ku jira u abuuro? Muxuu Erayga Ilaahay tan ka odhanayaa? Wuxuu odhanayaa:
"Duniyooyinka waxaa lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda." (Cibraaniyada 11:3) "Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis." (Yooxanaa 1:1-3)
Ilaahay Eraygiisa ayuu wax kasta ku abuuraa. Wuu hadlay oo keliya, oo wixii ku hadlay ayaa dhacay. Erayga Ilaahay wuxuu inoo sheegayaa inuusan keliyoo Isagu Eraygiisa wax kasta ku abuurin, laakiinse uu wax kasta Eraygiisa ku dhawro/hayo. Wax kasta waxaa isku haya oo dhawra Eraygiisa Awoodda Weyn. Waa awoodda Erayga Ilaahay ta ay dayaxa iyo xiddiguhu cirka meeshii loogu talogalay kaga joogaan. Waa awoodda Erayga Ilaahay ta ay qoraxdu wakhtigii loogu talogalay soo baxdo oo ay wakhtigii loogu talogalay u dhacdo. Wax kastaa waxay ku kala socdaan Erayga Ilaahay.
5.) Maalintii shanaad, Ilaahay wuxuu abuuray kumanyaalka nooc ee kalluunka iyo shimbaraha ah. Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa:
"Oo Ilaah wuxuu yidhi, 'Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd.' Oo Ilaah wuxuu abuuray nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa, ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala, iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, 'Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka.' Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad."  (Bilowgii 1:20-23)
6.) Maalintii lixaad, Qorniinku wuxuu inoo sheegayaa inuu Ilaahay abuurayxayawaanka iyo ninka. Laakiinse casharkeena ku xigga ayaynu ku qaadaa-dhigaynaaSiddii uu Ilaahay ninkii ugu horreeyey u abuuray iyo sababta Isagu ninkaas u abuuray.
Ilaahay aad buu u wanaagsan yahay. Wax kasta oo uu Isagu abuurayna waa wanaagsan yihiin. Isagu Eraygiisa ayuu wax kasta ku abuuray oo ku hayaa. Isaga Eraygiisa ayaynu ku noollahay, "Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado." (Matayos 5:6).
"Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay." (Sabuurradii 34:8) 
Ilaahay ha idin barakeeyo. Aamiin.
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US