SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Sidii Dembigu Adduunka ku soo Galay

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 3

​Waxaynu Kitaabka ugu horreeya ee Towreedda oo la yidhaahdo Bilowgii cutubka 2 aayadda 27 ka akhrinaa, "Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray." Ilaahay wuxuu nafta ninka iyo haweeneyda dhex geliyey ruux awood u leh inuu Ilaahay garto oo jeclaado. Sidoo kale wuxuu Ilaahay iyaga siiyey doorasho xor ah, si ay iyaga laftoodu doorasho ugu yeeshaan inay Ilaahay adeecaan iyo in kale. Waxaa kaloo Baybalka ku qoran inuu Ilaahay iyaga dhex geeyey Beertii Jannada, beer aad u qurux badan oo u barwaaqaysan oo uu iyaga adduunka uga diyaariyey taas oo loogu yeedhi jirey Beer Ceeden. Ilaahay wuxuu ninkii ugu horreeyey ee Aadan, iyo haweeneydii ugu horreysey ee Xaawaahayd siiyey wax kasta oo ay u baahnaayeen si ay ugu noolaadaan nolol nabad iyo barwaaqo leh. Ilaahay wuxuu doonayey inay dadku Isaga gartaan, oo jeclaadaan, oo Isaga weligiis caabudaan.
Waxaa kale oo Baybalka ku qoran inuu Isaga oo qorshihiisii wanaagsanaa ku socda, Ilaahay ninkii uu abuuray hordhigay imtixaan aad u sahlan. Ilaahay wuxuu beertii dhexdeeda ku beeray geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta, dabadeedna wuxuu ninkii ku amray: "Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa." (Bilowgii 2:16, 17)
Muxuu Ilaahay sidan ugu imtixaamay Aadan? Ilaahay wuxuu doonayey inuu tuso sidii uu qalbigii Aadan ahaa. Ilaahay uma imtixaamin Aadan si uu isagu u dembaabo, laakiinse inuu isaga barakeeyo oo xooggeeyo. Ninkaas uu Ilaahay abuuray dembi iyo cilad kale midkoodna ma lahayn, laakiinse taas macnaheedu ma ahayn inuu isagu lahaa qalbi saafi ah oo Ilaahay si buuxda u jecel. Ilaahay ayaa isaga imtixaan hordhigay, si uu Jacaylka uu Isaga u hayey u tijaabiyo. Haddii uu Aadan imtixaanka ka gudbo oo uu Ilaahay adeeco, wuxuu markaa caddayn lahaa inuu qalbigiisa Ilaahay ka jeclaa. Sidoo kale, haddiii uu imtixaanka ku gudbi lahaa, oo dembiga diidi lahaa,imtixaankaasi isaga wuu xooggeyn lahaa oo Ilaah u sii dhoweyn lahaa.
Haddaba maanta waxaynu casharkeenan kaga hadlayna sidii uu dembigu adduunka ku soo galay. Waxaa tan ka hadlaya Kitaabka Bilowgii cutubka 3-aad, oo marka aynu cutubkan barano waxaynu ogaaneynaa sababta uu qalbiga bini'aadanku u qaloocan yahay oo u sharka badan yahay, iyo sababta ay silica iyo dhibaatadu adduunka uga buuxaan.
Waxaynu horeba u soo aragnay inay Aadan iyo Xaawa dhex joogeen Beertii Jannada halkaas oo ay ku haysteen wax kasta oo uu ay baahnaayeen. Ta tan kasii fiicani waxay ahayd inay iyagu Ilaahay la lahaayeen xidhiidh fool-ka- fool ah oo aad u wanaagsan. 
Laakiinse, sidoo kale wuxuu Baybalku inoo sheegayaa in shakhsi kale beerta dhexdeeda joogey. Adigu ma garaysaa kuu kaasi ahaa? Kaasii wuxuu ahaaShaydaanka, cadowga Ilaahay. Markii uu Ilaahay adduunka iyo waxa ku dhex jira oo dhan abuurayey, shaydaanku wuu arkayey. Markii uu Ilaahay bixinayey amarkii ahaa inaan la cunin geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta, Shaydaanku wuu maqlayey. Oo isagu kuma uusan ekaan inuu arko oo dhegeysto oo keliya, laakiinse wuxuu isaguqoolayey qorshe uu ku wasakheeyo abuuritaankii Ilaahay ee wanaagsanaa. Shaydaanku wuxuu qorsheeyey inuu dibindaabyeeyo ninkii uu Ilaahay abuuray si uu isagu Ilaahay u adeeci waayo, oo dembi ugu dhaco, si isaga Ilaahay looga dheereeyo oo uu u halaagmo! Ilaahyse wuu ogaa qorshaha Shaydaanka oo dhan, laakiinse Aadan iyo Xaawa kaas waxba kama ogeyn.
Maalin maalmaha ka mid ah iyada oo ay Aadan iyo Xaawa ag taagan yihiin geedkii la xaaraameeyey, ayaa Shaydaankii yimid isaga oo abeeso iska soo dhigay, uu wuxuu bilaabay inuu iyagii la hadlo. Waxaa Baybalka ku qoran: "Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, 'Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal'?" (Bilowgii 3:1)
Aynu in yar ku hakano, muxuu Shaydaanku isaga soo dhigay abeeso? Baybalka ayaa jawaabta ina siinaya marka uu odhanayo: "Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey." Shaydaanku waa dibindaabyeeye, sidaa daraadeed wuxuu iska soo dhigay sidii mid xikmad leh. Shaydaanku Aadan iyo Xaawa uma iman isaga oo leh qaab libaax ama maroodi weyn oo odhanaya, "Waan idin salaamay Aadan iyo Xaawa. Anigu ibliiska ayaan ahay oo Ilaahay baan cadow ku ahay! oo maanta waxaan u imid inaan dembi idin geliyo si aad weligiin u halaagantaan." Maya, Shaydaanku sidaas ma yeelin. Sidee ayuu markaa iyaga ugu muuqday? Sidii abuuritaan qurux badan oo xigmad leh. Wuxuu doortay inuu abeesadii ka dhex hadlo, waayo wakhtigaas, ka hor intii aanu dembigu adduunka soo gelin, abeesada ayaa ahayd ta xayawaanka oo dhan ugu khiyaano badan.
Shaydaanku weli waa sidaas. Aad ayuu isagu u khiyaano badan yahay. Wuxuu caadiyan iska soo dhigaa sidii uu waxyaalo fiicfiican innaga ina siinayo oo kale. Baybalku wuxuu odhanayaa: "Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka." Taas daraadeed Ilaahay ayaa Eraygiisa inoogu digaya: "Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa." (Matayos 7:15) Shaydaanku waa Khiyaanalow. Waa sababtaa tii uu Aadan iyo Xaawa ugu muuqday sidii abeeso xigmad badan. Waana sababtaa tii uu u doortay inuu la hadlo Xaawa, intii uu Aadan la hadli lahaa, waayo wuxuu rajeynayey inay ka sahlaneyd inuu Xaawa dembi ku rido. Shaydaanku wuu ogaa inuu Ilaahay amarkii geedka ku saabsanaa siiyey Aadan, ka hor intaanu Isagu Xaawa abuurin. Laakiinse, Xaawana way ogeyd amarkaas iyaga la siiyey. Shaydaanku waa caqli badan yahay, oo wuxuu is yidhi haddii aan Xaawa ka dhaadhiciyo inay cunto geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta, laga yaabee inuu Aadan isaguna ku daydo oo isna Ilaahay ku axdi furo.
Markaa, waxaa Baybalka ku qoran: "Oo waxay abeesadii naagtii ku tidhi, "Ilaah miyuu idinku yidhi,'Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal'?" Ma aragtaa waxa uu Shaydaanku samaynayo? Wuxuu isku deyayaa inuu shaki ku abuuroqalbigii Xaawa, "Ilaahay miyuu idinku yidhi? Ma hubtaa inuu Isagu sidaa idinku yidhi? Weli Shaydaanku isla qorshahan ayuu isticmaalaa. Isagu wuxuu la dagaalamayaaErayga Ilaahay ee Runta ah waayo wuu ogyahay inuu Erayga Ilaahay leeyahay awood uu isaga kaga adkaado oo beentiisa ku kashifo.
Aynu sii akhrino wada sheekaysigii haweeneyda iyo ibliiska inteedii kale. Baybalku waxaa ku qoran:
"Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa; laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine. Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan; waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta."
Waa yaab! Muxuu Ilaahay u sheegay Aadan iyo Xaawa inuu ku dhici doono hadday geedka laga xaaraameeyey cunaan? Wuxuu ku yidhi, "Idinku waad dhiman doontaan!" Shaydaankiina muxuu yidhi? "Ma dhimann doontaan!"
Shaydaanku kuma joogsan oo keliya inuu Eraygii Ilaahay shaki ku rido, laakiinse toos ayuu kaas u dafiray. Kee ayaa runta ku hadlayey, Ilaahay mise Shaydaanka. Qorniinka Quduuska ahi wuxuu ina barayaa inuu Ilaahay Run yahay oo uusan Isagu been sheegi karin. Laakiinse Shaydaanka waxaa la inooga sheegay, inaanu isagu runba aqoon: "runtana kuma uu joogsan, waayo, runtu kuma jirto isaga. Markuu been ku hadlo, tiisuu ku hadlaa, waayo, waa beenaaleh, waana beenta aabbaheed." (Yooxanaa 8:44)
Laakiinse waa inaynu kaloo ogaanaa inuusan Shaydaanku beenaale oo keliya ahayn ee uu sidoo kale khiyaanalow yahay. Aad buu u sir badan yahay; wuxuu soo qaataa wax been ah oo wuxuu ku dhex qasaa wax run ah. Shaydaanku been ayuu Aadan iyo Xaawa u sheegay markuu iyaga ku yidhi haddaad geedka cuntaan Ilaahay oo kale ayaad noqon doontaan, laakiinse run buu ku dhex qasay markii uu iyaga u sheegay inay indhahoodu furmi doonaan, waayo markay iyagu geedkii cuneen waxay ogaadeen waxa uu sharka ama dembigu yahay. shaydaanku iyaga wuu ka qariyey dhibaatada uu dembigaasi iyaga noloshooda iyo ta farcankoodaba u keeni dooney, ee ay ku jirto dhimashada xagga jidhka iyo ta xagga ruuxaba ah (ka dheeraanshaha Ilaahay).
Hadda waxaa yimid wakhtigii go'aanka ee ay Aadan iyo Xaawa ku kala dooran lahaayeen inay adeecaan Erayga Ilaahay ama beentii Shaydaanka. Aynu sii akhrino doorashadoodii.
Waxaa Qorniinka ku qoran: "Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay."
Ilaahay wuxuu ninka ka abuuray Isaga u ekaanshihiisa oo wuu karaameeyey, si uu Isaga u jeclaado oo weligiisba u adeeco. Laakiinse ninkii sidaas ma samayn, wuxuuse doortay inuu Ilaahay ku axdi furo oo adeeci waayo, oo raaco Shaydaanka kaas oo ahcadowga Ilaahay iyo bini'aadankaba.
Taasi waxay ahayd maalin aad u murugo badan. Dembigaasi dhammaanteenba wuu ina saameeyey. Wuxuu Erayga Ilaahay odhanayaa: "Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay." (Rooma 5:12)
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Awrka dambe awrka hore socodkiisuu leeyahay." Dhammaanteen Aadan ayaynu raacnay. Dhammaanteen dembi ayaynu ku dhalanay, waana inaynu dhimanaa, waayo Aadan ayaynu ka soo farcanay. Keenee ayaa sheegi kara inuusan weligiis dembaabin. Midkeena! Markaa xaggee ayaynu ka dhaxallay dabeecaddeenaa amarrada Ilaahay jebineysa? Aadan. Sida cudur xun oo la is qaadsiiyo ayaa dembigii Aadan dhammaanteen ugu faafay.
Laakiinse rajo ayaa weli jirta, waayo Erayga Ilaahay ayaa odhanaya: "Haddaba dembiga nin keliya aawadiis waxaa dadka oo dhan ugu yimid xukun, sidaas oo kalenanin keliya xaqnimaduu sameeyey aawadeed waxaa dadka oo dhan ugu timid hadiyad in xaq laga dhigo oo ay noolaadaan." (Rooma 5:18)
Cashar kale ayaynu tan ku soo qaadanaynaa. Laakiinse xaqiiqadan weyn ee Erayga Ilaahay ku qoran xasuusta:
"Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay." (Rooma 5:12) 
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US