SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Shaydaanka iyo Malaa'igaha

19/8/2016

0 Comments

 

Ishacyaah 14, Yexesqeel 28

​Waxaynu maanta cashar kale ka baranaynaa Qorniinka Nebiyada. Casharkan oo ku saabsan waxa uu Erayga Ilaahay inaga barayo malaa'igaha iyo Shaydaanka. Adigu ma garanaysaa meesha ay malaa'igahu ka yimaadeen? Ama meesha ay Shaydaanka iyo jiniyadu ka yimaadeen? Ilaahay ayaa wax kuwan ku saabsan Eraygiisa inoogu sheegaya? Markaa aynu si taxadar leh Kitaabka Ilaahay u baadhno si aynu xaqiiqada malaa'igaha iyo Shaydaanka ku saabsan u ogaano.
Casharkeena kan ku xiga ayaynu ku baran doonaa sidii uu Ilaahay adduunka iyo waxa ku dhex jira oo dhan u abuuray, laakiinse ka hor intuusan Ilaahay abuurin dadka iyo adduunka aynu ku noollahay, waxaa jirey wax kale oo uu Isagu ugu horrayntii abuuray: kuwaasina waxay ahaayeen malaa'igaha.
Wax badan ayuu Ilaahay malaa'igaha inooga sheegayaa. Waxaynu halkan ku soo koobeynaa xaqiiqooyinka ugu muhiimsan ee abuuritaankan Ilaahay ku saabsan. Erayga Ilaahay ayaa mar horeba inoo sheegaya in Ilaahay oo ruux ahi, uu abuuray ruuxyo badan oo kale, kuwaas oo loogu yeedho malaa'igo. Kitaabka Ilaahay wuxuu odhanayaa, "{Malaa'iga oo dhammi waa ruuxyo.}" (Cibraaniyada 1:14) " {Wuxuu (Ilaahay) malaa'igihiisa ka dhigay dabaylo." (Cibraaniyada 1:7) Markaa, wuxuu Qorniinku inoo sheegayaa inay malaa'iguhu sida Ilaahay ruuxyo yihiin. Qaabkooda waxaa lagu masaalay dabayl ama dab. Innagu dabaysha ma arki karno. Qofna dabka ma taaban karo. Malaa'igaha Ilaahayna waa sidaas. Ilaahay iyaga ma siin jidhka aynu innagu leenahay oo kale. Bini'aadanku waxay leeyihiin jidh iyo ruux. Laakiinse malaa'iguhu waa ruux oo keliya. Waana sababtaa ta aynaan iyaga u arki karin.
Intee malaa'igo ah ayuu Ilaahay abuuray? Baybalku wuxuu inoo sheegayaa inuu Ilaahay malaa'igo badan abuuray, kuwaas oo uusan qofna tirin karin. Ilaahay hortiisa waxaa jooga "malaa'igo badan, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun." (Muujintii 5:11) Kitaabka Ilaahay wuxuu inoo sheegayaa inay malaa'igaha Ilaahay awood weyn leeyihiin. Iyagu way inaga awood weyn yihiin. Laakiinse awooddoodu xad ayay leedahay. Iyagu isla hal wakhti meel kasta ma joogi karaan, oo wax kastana ma ogaan karaan. Iyagu waa abuuritaan uun. Ka Keliya ee aan xaddidaada lahayni waa Ilaahay. 
Markii uu Ilaahay malaa'igaha abuuray iyagu waxay ahaayeen abuuritaano quduus ah, dhammaantood. Bilowgii, malaa'igo shar lihi ma jirin. Bilowgii, Shaydaanka ama Ibliisku weli muu jirin. Ruuxyada sharka lihi (Jiniyada) weli may jirin, Ilaahay ruuxyo shar leh muu abuurin. Waa inaynu xaqiiqadan niyaddeena ku haysanaa: Ilaahay wax kasta wuu awoodaa, oo aan hal arrin ka ahayn, Ilaahay shar ma samayn karo. Yaynaan tan ilaawin. Ilaahay wax xun ma abuuri karo, waayo Isagu wuu wanaagsan yahay. Ilaahay khalad ma samayn karo. Isaga dembi kama imaan karo waayo Isagu waaquduus daahir ah. Wax kasta oo uu Ilaahay ku fekero, ku hadlo, oo sameeyaa waa wax wanaagsan oo aan iin lahayn. Waa sababtaas ta uu Qorniinku u odhanayo: "Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo." (Yacquub 1:13) Markaa, xaggee ayuu sharku ka yimid? Mar dhow ayaan arki doonaa Jawaabta Ilaahay ee tan ku saabsan. Laakiinse, ugu horraynta, waxaa jira wax kale oo malaa'igaha ku saabsan oo ay tahay inaynu ogaano.
Waa maxay sababta uu Ilaahay malaa'igaha u abuuray? Baybalku wuxuu inoo sheegayaa inuu Ilaahay iyaga u abuuray si ay Isaga u jeclaadaan, oo u amaanaan, oo ugu adeegaan,welgood iyo weligoodba. Ilaahay ayaa iyaga abuuray, oo iyaga leh. Ilaaha weyn jannadiisa ayay joogaan. Adigu ma og tahay inay jirto meel gaar ah oo uu Ilaahay ku sugan yahay? Run, oo casharkeenii hore waxaynu soo barannay inuu Ilaahay meel kasta joogo. Laakiinse, Qorniinku wuxuu kaloo ina barayaa meel wanaagsan oo quduus ah oo Ilaahay ku sugan yahay, taas oo amaantiisa oo dhammi joogto. Meeshan oo ay nebiyadii Ilaahay ugu yeedhaan Ilaahay carshigiisa amaJannada. Waa meesha uu Ilaahay la joogo malaa'igihiisa quduuska ah.
Waxaa jirta arrin kale oo malaa'igaha ku saabsan oo aynu u baahannahay inaynu ogaano. Taasina waa: Inaanay malaa'igaha oo dhammi isku mid ahayn. Qaar malaa'igaha ka mid ah ayaa ka wanaagsan oo ka xigmad badan kuwo kale. Qaar malaa'igaha ah ayaa carshiga Ilaahay ee jannada ku wareegsan. Qaar ayaa dadka caawiya oo ilaaliya. Qaar kale oo malaa'igaha ah sida Jibriil iyo Makaahiil, ayaa Ilaahay hortiisa jooga oo waxaa iyaga hore iyo dib loogu diraa inay shaqooyin khaas ah adduunka ka soo qabtaan.
Qaar malaa'igaha ah ayaa kuwa kale dusha ka maamula. Adigu weligaa ma maqashay magaca Ibliis? Erayga Ilaahay wuxuu inoo sheegayaa inuu jirey wakhti uu Ibliisku malaa'igaha oo dhan madax u ahaa. Haddii aad qisada Ibliiska ku saabsan taqaanid, markaa waxaad taqaanaa meesha uu Shaydaanka laftiisu ka yimid.
Baybalku wuxuu inoo sheegaya in markii ugu horreysey ee uu Ilaahay malaa'igaha abuuray, uu Ibliisku(Lucifer) ahaa ka ugu quruxda badan, uguna awoodda wey, dhammaantoodna ugu xigmadda badan. Magaca (Lucifer) macnihiisu waa kii ifayey. Ilaahay ayaa isaga siiyey awood iyo xigmad iyo qurux uu malaa'igaha oo dhan dheer yahay. Waxay ahayd inuu Ibliisku Ilaahay caabudo, oo jeclaado, oo abidkiisba Isaga u adeego, waayo Ilaahay ayaa isaga abuuray oo si weyn u barakeeyey. Laakiinse, waxaynu Kitaabbada Nebiyada ka akhrinaa in maalin maalmaha ka mid ah uu Ibliisku ka hor yimid oo yasay Ilaahay, oo ay qalbigiisii Isla-weynaani ka buuxsantey. Ibliiska ayaa sidan qalbigiisa iskaga yidhi, "Anigu waxaan kori doonaa samada, oo carshigaygana xiddigaha Ilaah waan ka sara marin doonaa, oo weliba waxaan ku fadhiisan doonaa buurta shirka ee darafka woqooyi ku taal. Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale." (Ishacyaah 14:13, 14)
Ibliiska oo uu Ilaahay abuuray, ayaa hadda doonayey inuu xado amaanta Ilaaha Weyn! Oo Ibliisku isaga keligiis Ilaahay kuma fallaagoone, saddex-meeloodow meel malaa'igihii jannada joogey ayaa iyaguna Ilaahay ku fallaagoobey, oo Ibliiska dembigiisii ku raacay. (Eeg Muujintii 12:4). Kuwan waxaynu ugu yeedhnaa malaa'igaha sharka leh, ama jiniyada.
Laakiinse, Ilaahay waa Ilaah, oo Ilaahay wuu ogaa wax kasta oo ay Shaydaanka iyo malaa'igihiisu doonayeen inay sameeyaan. Waxba Ilaahay kama qarsoona, waayo Isagu wax kasta wuu og yahay ka hor inta anay weli dhicin! Ilaahay wuu arkay dembiga qalbiga Shaydaanka iyo qalbiyada malaa'igaha isaga raacay ku jirey.
Haddaba maxaa dhacay? Muxuu Ilaahay sameeyey? Kitaabka Quduuska ahi wuxuu inoo sheegayaa inuu Ilaaheenu yahay quduus oo uusan sharka eegi karin. Ilaahay dembiga uma dulqaadanayo. Isagu amaantiisa iyo quduusnimadiisa mid kale lama qaybsanayo. Ma jiro mid Ilaahay meeshiisa geli karaa. Sidaa daraadeed, Qorniinku wuxuu odhanayaa inuu Ilaahay carshigiisa quduuska iyo wejigiisa hortiisa ka tuuray Shaydaankii iyo malaa'igihiisii sharka lahaa. Shaydaankii iyo kuwii raacay dib dambe jannada, guriga Ilaahay, uguma sii noolaan kareyn, waayo iyagu way dembaabeen oo waxay dooneen inay Ilaahay inqilaabaan. Waana sababtaa ta uu Ilaahay dibada ugu tuuray Shaydaanka iyo malaa'igihiisii sharka lahaa. Ilaahay, oo quduus ahi, waa inuu xukumo oo ciqaabo mid kasta oo Isaga ku fallaagooba.
Markaa kaddib Ibliiska (Lucifer) magaciisii hore ee ahaa ka ifaya waa laga beddeley, oo waxaa hadda loo bixiyey Shaydaan. Macnaha Shaydaanku waa Cadow. Ibliiskii wuxuu noqday cadowga Ilaahay. Oo sida aad og tahay, Shaydaanka iyo malaa'igihiisu weli way diidaan Ilaahay iyo wax kasta oo wanaagsan. Waxay diidaan oo dafiraan Erayga Ilaahay. Shaydaanku, Ilaahay ayuu la dagaallamaa oo wuxuu isku dyaa inuu hor istaago oo burburiyo qorshaha Ilaahay. Laakiinse, Ilaahay waa Xaakinka weyn, oo ma jiro mid Isaga ka guuleysan karaa.
Kitaabka Quduuska ahi wuxuu inoo sheegayaa in kaddib markii uu Ilaahay Shaydaanka iyo malaa'igihiisii jannada ka soo saaray, uu iyaga u abuuray dab naar ah kaas oo aan weligiis demeyn. Waxaa imaan doonta maalin, taas oo uu Ilaahay Shaydaanka, malaa'igihiisa iyo dhammaan kuwa raaca ku dhex tuuri doono dabkaas. Markaa, waxaa qoran, "Oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba. (Muujintii 20:10)
Laakiinse wuxuu Kitaabka Quduuska ahi inoo sheegayaa inuusan Shaydaanku weli dabkaas (naarta) ku jirin. Erayga Ilaahay wuxuu sheegayaa inuu Shaydaanku adduunka joogo oo uu Ilaahay la dagaallamayo. Isagu waa Baabi'iye. Wuxuu doonayaa inuu shaqada Ilaahay baabi'iyo. Wuxuu doonayaa in dadka uu Ilaahay abuuray isaga naarta u raacaan. Erayga Ilaahay wuxuu inoo sheegayaa inay dadka badankiisa Shaydaanka xukunkiisa ku hoos jiraan, laakiinse aanay iyagu taas ogeyn waayo shaydaanku waa khiyaanalow. Markaa, Qorniinku wuxuu odhanayaa,"Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka." (2 Korintos 11:14) Isagu wuxuu isku dayaa inuu dadka khiyaaneeyo si aanay Erayga Ilaahay u dhegeysan. Waa sababtaa ta ay nebiyadii u qoreen, "Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo." (2 Butros 5:8). Iska jir! Shaydaanku wuxuu doonayaa inuu adiga ku halaago e!
Laakiinse Ilaahay ayaa amaan leh! Isagu Eraygiisa ayuu ina siiyey si aynu awoodda Shaydaanka uga baxsan karno. Wuxuu Kitaabka Ilaahay odhanayaa, "Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa." (Yooxanaa 8:32) Ma og tahay inay runtu kaa xorayn karto khiyaanooyinka xunxun ee Shaydaanka? Yaynaan ilaawin: Shaydaanku wuu inaga xigmad badan yahay. Laakiinse Ilaahay ayaa ka xigmad weyn Shaydaanka. Oo Shaydaanku wuu inaga awood weyn yahay. Laakiinse Ilaahay ayaa Shaydaanka ka awood badan. Ma og tahay inuu Erayga Ilaahay awoodda Shaydaanka kaa badbaadin karo? Dad badan ayaan jeclayn inay runta Ilaahay dhegeystaan. Oo maxay runtaa u dhegeysan waayeen? Waayo, Shaydaanka ayaa iyaga khiyaaneeyey. Laakiinse haddii aad runta Erayga Ilaahay garaneysid, oo aad rumaysid, awoodda Shaydaanka waa lagaa xorayn doonaa.
Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa: "Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida." (1 Yooxanaa 4:1) "Wax sii sheegiddana {Erayga Ilaahay} ha quudhsanina. Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya. Wax kasta oo shar u egna ka fogaada." (1 Tasaloonika 5:20-22) 
Erayga Ilaahay rumee, oo ku dhaqan, Shaydaankuna awood kuguma yeelanayo. Oo tanna xusuusta, "Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa." (Yooxanaa 8:32). Ilaahay ha idin barakeeyo. Aamiin. 
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US