SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Muxuu Ilaahay ugu Yeedhay Ibraahim?

17/3/2017

0 Comments

 
​
​
Casharradii aynu soo dhaafnay, waxaynu ku soo baraneyney Ilaahay iyo xaqnimadiisa. Waxaynu soo aragnay Aadan iyo Xaawa, Qaabiil iyo Haabiil, Nuux iyo qoonkiisii, iyo Munaarradii Baabel. Awooweyaashaas aynu ka soo farcannay, kuwo tiro yar ayaa Ilaahay iyo jidkiisa xaqnimada ka raacay; intooda badani waxay raaceen Shaydaanka iyo xaqdarradiisa.
 
Casharkan waxaynu ku baranaynaa qisadii nin magaciisa aad looga yaqaan Erayga Ilaahay oo meel muhiim kaga jirey qorshihii Ilaahay ku badbaadinayey farcankii Aadan. Erayga Ilaahay wuxuu ninkaas ugu yeedhaa “saaxiibkii Ilaahay” iyo “aabbihii dhammaan kuwa ramaysiga leh.” Ma garanaysaa ka uu kani yahay? Waa nebigii Ilaahay ee Ibraahim. Qorniinka quduuska ahi aad buu uga hadlaa Ibraahim. Magaciisa in ka badan 300 oo jeer ayaa lagu sheegay Qoraalladii nebiyada. Sidaa daraadeed, casharrada soo socda waxaynu ku baranaynaa waxyaalaha uu Qorniinku inooga sheegayo Ibraahim-kan loogu yeedhay Ilaahay saaxiibkiis.
Inta aynaan bilaabin, waa inaad marka ugu horraysa ogaataa, inuusan magaca Ibraahim markii hore Ibraahim ahayn, ee la odhan jirey Aabraam. Cashar dambe ayaynu ku arki doonaa sababtii uu Ilaahay magaciisii Aabraam ugu beddeley Ibraahim. Ibraahim wuxuu ahaa farcankii Sheem, oo ahaa mid ka mid ah saddexdii wiil ee nebi Nuux. Sheem iyo Ibraahim waxaa u dhexeeyey toban fac oo keliya. Ibraahim aabbihii waxaa la odhan jirey Teerax. Ibraahim waxaa la dhashay Naaxoor iyo Haaraan, oo Haaraanna wuxuu dhalay Luud, markaa nebi Ibraahim adeer buu Luud u ahaa. Markii Luud aabbihii dhintay isaga oo yar, Ibraahim ayaa isaga mas’uuliyaddiisii qaaday.
 
Aabraam wuxuu ku noolaa magaalo la odhan jirey Uur, oo ku taalley waddankii Kaldiya halkaas oo maanta loo yaqaan Ciraaq. Dadka waddankaasi waxay caabudi jireen sanamyo, isla sidii farcankii Aadan oo dhan oo kale. Aabraam wuxuu ka dhashay bulsho ku jirta mugdiga dembiga, oo Aabraam iyo aabbihiis toona Ilaaha runta ah may aqoon.
 
Laakiinse, wuxuu Qorniinku inoo sheegayaa in maalin maalmaha ka mid ah Ilaahay isu muujiyey Aabraam oo uu isaga la hadlay. “Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac” (Bilowgii 12:1). Ibraahim waxaa halkan loogu sheegay inuu ka tago gurigii aabbihiis, qaraabadiisii, iyo waddankiisii oo uu u guuro waddan uu Ilaahay isaga geyn dooney. Marka bini’aadan ahaan loo fiiriyo waxa uu Ilaahay ka dalbaday inuu Ibraahim sameeyaa aad buu u adkaa, laakiinse Ilaahay wuxuu isaga u hayey qorshe weyn oo uu ku barakayn dooney. Labada aayadood ee kuwan ku xiga ayaa sii faahfaahinaya, “Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waan ku barakayn doonaa, magacaagana waan weynayn doonaa; oo waxaad noqon doontaa barako, oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan” (Bilowgii 12:2,3).
 
Maxaa Ilaahay Aabraam ugu amray inuu waddan kale u guuro? Waayo, Ilaahay wuxuu qorsheeyey inuu Aabraam quruun cusub ka dhigo taas oo ay nebiyadii Ilaahay iyo ugu dambaysta badbaadiyahu ka soo bixi dooneen. Waa sababtaa ta uu Ilahaay isaga ugu yidhi, “Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa…oo waxaad noqon doontaa barako…oo qabiillooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.”
 
Halkan waxaa lagu sheegay xaqiiqo weyn. Ilaahay wuxuu Aabraam u doortay inuu noqdo aabbaha ay ka soo farcami doonaan awooweyaashii Bixiyaha adduunka imaan dooney. Bixiyahani wuxuu noqon dooney Badbaadiyaha dadyowga adduunka oo dhan, si mid kasta oo Isaga rumaystaa uu uga badbaado gumeysiga dembiga iyo Shaydaanka, iyo naarta abadiyanka ah. Markaa, waxaanu arkaynaa inuu markii uu Ilaahay u yeedhay Aabraam uu qorshihiisaa abaabulayey. Ibraahim laftiisu Badbaadiyaha adduunka muu ahayn, laakiinse wuxuu isagu aabbe u noqday quruun uu Badbaadiyahaasi ka soo bixi dooney.
 
Kaasi waa ballanqaadkii (ama axdigii) uu Ilaahay u sameeyey Aabraam, waxaase kan lagu xidhay inuu waddankiisii ka tago oo uu tago meel uu Ilaahay tusi dooney. Aabraam miyuu adeecay Ilaahay? Erayga Ilaahay ayaa tan inooga jawaabaya, “Markaasaa Aabraam tegey, sidii Rabbigu ku yidhi; Luudna wuu raacay. Aabraam shan iyo toddobaatan sannadood buu jiray markuu Haaraan ka tegey. Aabraamna wuxuu kaxaystay naagtiisii Saaray, iyo Luud oo ahaa wiilkii walaalkiis, iyo xoolahoodii ay urursadeen oo dhan, iyo dadkii ay Haaraan ka heleen oo dhan; kolkaasay u kaceen dalkii Kancaan, oo waxay yimaadeen dalkii Kancaan” (Bilowgii 12:4,5).

Muxuu Aabraam u adeecay Ilaahay, oo uga tegey gurigii aabbihiis iyo diintiisii? Waayo, Aabraam wuxuu ku kalsoonaa Ilaahay. Aabraam muu garaneyn meesha uu tegayo, laakiinse wuxuu isagu rumaysnaa Eraygii Ilaahay ee ku yidhi, “Tag! Oo haddii aad meeshan ka tagto, aad baan kuu barakayn doonaa!” Aabraam kalsooni weyn buu Ilaahay ku qabey oo wuxuu ka tegey waddankiisii sidii Ilaahay u sheegay. Oo Ilaahay oo aamin ahi wuxuu isaga u hoggaamiyey dhulkii Kancaan, kaas oo maanta loogu yeedho Falastiin ama Israa’iil.
 
Marka ku xigta wuxuu Erayga Ilaahay odhanayaa, “Aabraamna dalkii buu dhex maray...Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen. Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, ‘Dalkan farcankaagaan siin doonaa.’” Ilaahay wuxuu Aabraam ugu ballanqaaday inuu quruun cusub ka dhalin doono, iyo waddan cusub.
 
Mar kale, waxaan arkaynaa wax ka weyn xigmadda iyo caqliga bini’aadnaka. Dhulka Kancaan oo dhan dad baa ku noolaa. Sidee ayaa Ibraahim iyo farcankiisu u qaadan kareen? Aabraam todobaatan iyo shan sanno ayuu jirey, xaaskiisuna lixdan iyo shan sanno ayay jirtey, carruurna may lahayn. Laba qof oo da’ ahi ma yeelan kareen carruur iyo farcan ku filan oo dhulkaa buuxiya? Tani caqligeena way ka weyn tahay, sidaas oo ay tahay eeg waxa uu Ilaahayy ugu ballanqaaday Aabraam ee ku qoran cutubka 13-aad ee Bilowgii, “Dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin. Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.  Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa” (Bilowgii 13:15-17).
 
Ilaahay ma kaga dhabeeyey wixuu uu ballanqaaday? Oo Aabraam quruun weyn ma ka dhigay? Dhulka Falastiina ma siiyey farcankii Aabraam? Haa, Ilaahay wuu kaga dhabeeyey ballanqaadkiisii. Casharradeena mustaqbalka ayaynu tan ku arki doonaa.
 
Aabraam wuxuu aabbe u noqday quruunta Cibraaniyiinta taas oo Ilaahay dhulkaas siiyey, kuwaas oo maanta loogu yeedho Israa’iil. Marka ku xigta wuxuu Qorniinku odhanayaa, “Markaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay” (Bilowgii 12:8). Isla sidii ay sameeyeen Seed, Eenookh iyo Nuux, Ibraahim neef ayuu qalay oo Ilaahay buu allabari u bixiyey, kaddib markii Ilaahay ballanqaadkiisii u fuliyey.
 
Muxuu Aabraam u sameeyey? Waayo, waxaa jirey qaynuun Ilaahay dejiyey oo odhanayey, “Dhiig daadin la’aan dembidhaaf ma jiro.” Aabraam, isla sidii Aadan iyo farcankiisii oo dhan ayuu isna dembiile ahaa. Sababta keliya ee Ilaahay dembiga Ibraahim isaga indho-tiray waxay ahayd inuu Aabraam rumeeyey Isaga oo uu neef dhiiggiisii allabari ahaan ugu daadiyey, tan oo hordhac iyo tusaale u ahayd Bixiyaha imaan dooney si uu ugu dhinto booskii dembiileyaasha.
 
Casharkeena kan ku xiga waxaynu ku arki doonaa sababtii Aabraam loogu bixiyey “saaxiibkii Ilaahay.”
 
Ilaahay ha idin barakeeyo inta aad ka fekeraysaan ballandaadkan uu Ilaahay u sameeyey Aabraam:
 
“
Oo quruun weyn baan kaa dhigi doonaa, oo waxaad noqon doontaa barako… oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan”
 

0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US