SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Muxuu Ilaahay Bin'aadanka u Abuuray? 

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 1, 2

​Casharkeenii ugu dambeeyey waxaynu ku soo baranay sidii uu Ilaahay u abuuray samada, dhulka, badaha, iyo waxyaalaha ku dhex nool oo dhan. Ilaahay lix maalmood ayuu wax kasta ku abuuray Isaga oo Eraygiisa oo keliya isticmaalaya. Waxaynu kale oo soo aragnay sababtii uu Ilaahay adduunka u abuuray. Wuxuu iyada u abuuray dadka uu qorsheynayey inuu abuuro si uu Isagu ugu ammaanmo. War muxuu Ilaahay naxariis badan yahay inuu meel sidaa u qurux badan oo u fiican bini'aadanka u abuuro si ay nolol barwaaqo leh ugu noolaadaan!
Casharkan waxaynu Erayga Ilaahay ka baranaynaa sidii uu Ilaahay ninkii ugu horreeyey u abuuray. Waxaynu kaloo eegeynaa sababtii uu Isagu ninkaas u abuuray. Towreedda, kitaabkeeda Bilowgii, cutubka koowaad, aayadaheeda 26 iyo 27, Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa:
"Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan. Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray." (Bilowgii 1:26,27).
Tani waa xaqiiqo weyn oo cajiib ah oo ay tahay inaynu fahanno: Ilaahay u ekaanshihiisa ayuu ninkii iyo haweeneydii ugu horreeyey ka abuuray! Bal u fiirso! Inuu Ilaahay u sameeyey inuu Isaga u ekaado! Runtii, qofku waa abuuritaanka ugu muhiimsan wax kasta oo kale oo Ilaahay abuuray. Bini'aadanka oo keliya ayaa u ekaanshaha Ilaahay laga abuuray.
Haddaba, maxaa Erayga Ilaahay ula jeedaa marka uu odhanayo: "Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa"? Bilowgii 2:7, wuxuu Erayga Ilaahay ku odhanayaa, "Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool." U fiirso in markii uu Ilaahay ninkii ugu horreeyey abuuray uu laba waxyaalood u sameeyey: jidh iyo naf. Ninku ma aha oo keliya jidh qaab leh. Isagu wuxuu leeyahay jidh iyo naf. Laba tallaabo ayuu Ilaahay ninka ku sameeyey. 1: "Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka"  2: "Dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday {naf} nool."
Muxuu Ilaahay jidh inoogu sameeyey? Waayo jidhku waa meesha uu Isagu nafta qofta gelin/dejin dooney. Adigu ma ogtahay in jidhkaagu gurigaaga yahay; "teendho" ku meelgaadh ah oo aad "adigu" (naftaadu) ku nooshahay? sidaas ayaa Erayga Ilaahay odhanayaa (2 Korintos 5:1). Ilaahay wuxuu jidhka bini'aadanka u abuuray si naftu halkaa ugu jirto.
Muxuu Ilaahay jidhkii ugu horreeyey ee bini'aadanka ka abuuray? Qoruniinku wuxuu sheegayaa inuu Ilaahay kaas ka abuuray Ciidda dhulka. Maanta waxaynu ognahay inay ciiddu ka kooban tahay ilaa 20 nooc oo kiimiko ah. Saynisyahanadu waxay inoo sheegayaan inay 20-kaa nooc ee kiimikada ah oo dhammi ku jiraan jidhka bini'aadanka. Taasi waa sababtii uu nebi Daa'uud ugu qoray Sabuurradii, "Waayo, abuuristeennuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay." (Sabuurradii 103:14) Haa, jidhka ciid ayaa laga sameeyey, laakiinse tan macnaheedu maaha inuu bilaa qiimo yahay! Jidhka bini'aadanka waxaa ku jira 70 tirriliyon oo unug. Dhammaantoodna waxaa la isugu xidhay oo ay isula shaqeeyaan sida ugu wanaagsan. Jidhka bini'aadanku waa mucjiso! Jidhkeena, Ilaahay wuxuu dhex geliyey maskax, sambabo, calool, beer, xiidme, lafo, muruqyo, maqaar, indho, dhego, san, af, iyo qaybo badan koo kale oo cajiib ah. Qayb kastaana "way taqaanaa" shaqadeeda. Ilaahay oo keliya ayaa sidan u abuuri kara! Waa sababtaa ta uu nebi Daa'uud u qoray, "Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan, Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin, Oo naftayduna taas aad bay u taqaan." (Sabuurradii 139:14).
Haa, Jidhka bini'aadanku waa mucjiso aad u weyn! Haddaba, ma jidhka ayuu Ilaahay Isaga u ekaanshihiisa ka abuuray? Maya! Tani suurtogal maaha, waayo Ilaahay waa ruux. Ilaahay u ekaanshihiisa kama abuurin qaybta jidh ahaaneed ee bini'aadanka? Haddaba maxaa Qorniinku ula jeedaa marka uu leeyahay "Oo Ilaah nin buu ka abuurayaraggiisa?" Tan waxaa loola jeedaa inuu Ilaahay u ekaanshihiisa ka abuuray nafta qofka bini'aadanka ah.
Waxaynu hore u soo aragnay in Ilaahay markii ugu horreysey jidhka bini'aadanka ka abuuray ciidda dhulka, oo kan nololi kuma jirin. Meyd oo kale ayuu ahaa. Muxuu Ilaahay markii hore jidhka qofka u abuuray, ka hor intii aanu naf gelin? Muxuu Ilaaha awoodda badani waxoo dhan hal mar isu raacin waayey, isla sidii uu abuuritaanka kale ku sameeyey? Laga yaabee inuu Ilaahay tan innaga inagu barayey inuusan bini'aadanku laf ahaantiisa/keligiis wax awood ah lahayn. Bini'aadanku isma noolayn karo wax noolna ma abuuri karo. Ilaahay ayaa ah Ilaaha Nolosha, oo Isaga oo keliya ayaa noloshu ku jirtaa. Noloshu bini'aadanka kama timaado; iyadu waa haddiyadda Ilaahay! Qorniinku wuxuu odhanayaa, " Rabbiga Ilaah ahuna... dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool." Jidhkii uu Ilaahay sameeyey ayaa bilaabay inuu noolaado. Oo muxuu u noolaaday? Waayo Ilaahay, Rabbiga Nolosha, ayaa isaga naf siiyey! Ilaahay ayaa noloshiisii ku afuufay jidhkii meydka ahaa. Noloshii Ilaahay ku jirtey, ayaa hadda ninkiina gashay. Markaa, ninkii wuxuu noqday noole nool.
Haddaba muxuu Ilaahay u ekaanshihiisa/araggiisa ka sameeyey? Nafta. Ilaahay nafta bini'aadanka ayuu araggiisa ka sameeyey. Ma ogtahay in dabeecado khaas ah oo Ruuxa Ilaah leeyahay uu sidoo kale ruuxa bini'aadankuna leeyahay? Waxaynu casharkan ku magacaabi doonaaa saddex dabeecadood, calaamadood, kuwaas oo Ilaahay leeyahay, oo sidoo kale bini'aadankuna leeyahay. Marka aynu dabeecadahan ka hadallo ayaynu si wanaagsan u fahmeynaa waxa uu Qorniinku ka wado marka uu odhanayo, "Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa." Saddexdan dabeecadood ee uu Ilaahay nafta bini'aadanka ku abuuray waa:
Kow: Ilaahay wuxuu ninka siiyey caqli, si uu Ilaahay u garan karo.
Laba: Ilaahay wuxuu bini'aadanka siiyey Qalbi (dareen), si uu Ilaahay u jeclana karo.
Saddex: Ilaahay wuxuu bini'aadanka siiyey doonis (doorasho xor ah), si uu Ilaahay u adeeci karo.
 Isla sida uu Ilaahay u leeyahay caqliga, qalbiga, iyo doonista/rabitaanka, ayaa Ilaahay nafta bini'aadanka geliyey caqli, qalbi, iyo doonis. Aynu eegno waxa tan loola jeedo:
1) Ugu horrayn, wuxuu Ilaahay qofka siiyey caqli awooda inuu Ilaahay garto oo u fekera sida uu Ilaahayna u fekero. Ilaahay ayaa caqliga sidaa u xoogga badan bini'aadanka siiyey waayo wuxuu qorsheynayey inuu bini'aadanka xidhiidh dhow la yeesho. Marka aynu noloshii nebi Ibraahim akhrino, waxaynu arki doonaa in isaga loogu yeedhay Saaxiibkii Ilaahay. Ibraahim si shakhsiyan ah ayuu Ilaahay u yaqaaney oo Isaga xidhiidh dhow ula lahaa. Laakiinse maaha Ibraahim oo keliya ka fursaddaas la siiyey, innaguna sidoo kale waxayn noqon karnaa "Saaxiibbadii Ilaahay." Ilaahay wuxuu doonayaa inaynu Isaga xidhiidh aad u dhow la yeelano.
Waxa qofka xayawaanka ka duwaa waa caqliga. Caqliga ama maskaxda bini'aadanku way ka duwan tahay ta xayawaanka.
Dabcan, waa inaynaan marna ku fekerin inuu caqligeenu la mid yahay ka Ilaahay hadday noqoto xagga xigmadda iyo aqoontaba. Isuma dhowa! Xigmadda Ilaahay waa qoto dheer tahay, oo xigmaddiisu way ka weyn tahay ta bini'aadanka oo dhan. Ilaahay wuxuu bini'aadanka siiyey ruux leh fursad, uu xidhiidh qiimo leh kula yeesho Ilaaha Nool. Ilaahay ma doonayo inaad adigu noqotid xayawaanka aan Isaga garan karin! Xayawaanku maskax wuu leeyahay laakiinse Ilaahay kama fekeri karo. Xayawaanku af buu leeyahay, laaiinse Ilaahay ugama mahad celin karo cuntada uu Ilaahay maalin kasta siiyo. Xayawaanku indho ayuu leeyahay laakiinse Erayga Ilaahay kuma baran karo. Dhego ayuu leeyahay laakiinse Erayga Ilaahay kuma dhegeysan karo. Laakiinse, bini'aadanka, oo Ilaahay araggiisa laga abuuray intaas oo dhan wuu samayn karaa.
2) Ilaahay wax kale ayuu nafta bini'aadanka geliyey markii u tan araggiisa ka abuuray.Qalbi. Ilaahay qalbi ayuu qofka siiyey si uu Ilaahay u jeclaan karo. Qalbiga waxaa kaloo marmar loogu yeedhaa wadnaha, laakiinse kama hadlayno xubinta jidhka ee dhiiga gudbisa, laakiinse waxaynu ka hadlaynaa waxa aad adigu ka dareentid naftaada iyo fikiraada iyo hiyigaaga.Waxaynu ka hadlaynaa dareen ama ula jeeddo kasta oo qalbigaaga soo gasha. Ilaahay ayaa ninkii ugu horreeyey siiyey awood uu dareeno ku yeesho kuwan oo Ilaahay Laftiisuna dareemo. Ilaahay wax buu jeclaan karaa, nebcaan karaa, ku farxi karaa, ka xumaan karaa, oo u naxariisan karaa. Sidaas daraadeed, Ilaahay wuxuu nafta bini'aadanka geliyey qalbi awooda inuu wax dareemo sida jacaylka iyo nacaybka. Ilaahay wuxuu doonayaa inuu qofku jeclaado waxa uu Ilaahay jecel yahay oo uu nebcaado waxa uu Ilaahay neceb yahay. Ilaahay wuxuu inaga doonayaa inaynu qalbigeena oo dhan Isaga ku jeclaano. Waa sababtaa ta uu bini'aadanka Isaga u ekaanshihiisa uga abuuray, ee uu qalbiga u siiyey.
3) Wuxuu kaloo Ilaahay nafta bini'aadanka geliyey doonis/doorasho. Ilaahay wuxuu qof kasta u oggolaaday inuu isagu jidkiisa doorto ama sidii uu u noolaan lahaa. Ilaahay Laftiisa ayaa awood u leh inuu Isagu wuxuu rabo sameeyo ama uusan samayn. Markaa, Ilaahay wuxuu bini'aadanka ku abuuray xaqii iyo mas'uuliyadii uu si madaxbannaani ah go'aanada muhiimka ah ku gaadhi lahaa. Ilaahay wuxuu bini'aadanka u abuuri lahaa inuu si toos "automatic" doonistiisa u sameeyo, oo uusan doorasho yeelan. Laakiinse, Ilaahay wuxuu qofka siiyey doorasho xor ah iyo mas'uuliyad uu isagu ku doorto inuu Ilaahay adeeco iyo in kale. Ilaahay ma dooneyn inuu abuuro mishiin (robot) ah. Bini'aadanku waa abuuritaan khaas ah oo qaali ah.Ilaahay ayaa ina leh. Ilaahay wuxuu doonayaa inaynu doorano inaynu Isaga adeecno oo caabudno. Mas'uuliyad weyn ayuu Ilaahay ina dulsaaray! Waa inuu qofku iskiis u doortaa inuu Ilaahay raaco ama uu Shaydaanka raaco, inuu Erayga Ilaahay adeeco ama ku xadgudbo. Ilaahay qofna kuma khasbayo inuu Eraygiisa adeeco. Isagu marna inaguma khasbi doono inaynu Isaga jeclaano oo adeecno. Jacaylka la isku khasbaa jacayl maaha. Ilaahay wuxuu midkeen kasta u oggolaadaa inaynu lafteena u doorano waddadii aynu raaci lahayn. Laakiinse, ugu dambaysta, Ilaahay wuxuu xukumi doonaa mid kasta oo Isaga adeeci waaya, waayo wuxuu Ilaahay bini'aadanka u abuuray inuu Isagu yeesho.
Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa: 
"Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan." (Markos 12:30) 
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US