SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Ilaahay wuu Hadlay!

17/8/2016

 

Hordhac

Akhriste, weli ma is weydiisey jidka aad adigu ku taagan tahay -- ma jidka xaqa ah baa mise waddo lunsan ayaad ku socotaa? Ma dooneysaa inaad ogaato jidka xaqa ah ee Ilaahay banneeyey? Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa, "Waxaabarakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan." (Matayos 5:6) Laga yaabee inaad u malayso inaad adigu taqaan jidka xaqnimada, oo aadan u baahnayn in laguu sheego. Haddii ay dabeecaddaadu sidan tahay, xasuuso wixii uu qoray nebigii Ilaahay ee Suleymaan, markii uu yidhi, "Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan, Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada." (Maahmaahyadii 14:12)​
​Kitaabka Quduuska ah, qaybtiisa Sabuurrada, ayuu Nebi Daa"uud, oo Suleymaan aabbihiis ahi in badan kaga hadlayaa baahida aynu u qabno inaynu jidka xaqa ah ee Ilaahay dejiyey garano, wuxuu isagu yidhi, "Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen, mid wanaag falaa ma jiro, midnaba." (Sabuurradii 14:1) Waa sababtaa ta uu isla Daa'uud ducadan ugu ducaystey Sabuuraddii, oo yidhi, "Rabbiyow, jidadkaaga i tus, oo waddooyinkaagana i bar.Runtaada igu hoggaami, oo i bar, waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa."(Sabuurradii 25:4,5) Ilaahay ma doonayo inuu qofna halaagmo, laakiinse wuxuu doonayaa inay dadka oo dhammi Isaga gartaan oo xidhiidh fiican la yeeshaan.
Akhriste, wuxuu Kitaabka Quduuska ahi inoo sheegayaa inuusan Ilaahay ahayn Ilaah dadka wareeriya, laakiinse yahay Ilaah dadka qalbiyadooda nabad iyo isku kalsoonaansho siiya, sidaas daraadeed ayaa Erayga Ilaahay u leeyahay bilow iyo dhammaad, isaga oo ka bilaabmaya meesha uu Ilaahay Laftiisu ka bilaabay, taas oo ah Bilowgii. Kitaabka Quduuska ah waxaa ku qoran qisooyin faro badan, laakiinse dhammaantood waxay leeyihiin hal akhbaar oo udubdhexaad u ah, kaas oo ah: Warka Wanaagsan ee ah sida ay dadku Ilaahay hortiisa kuwo xaq ah ugu noqon lahaayeen. Kumanyaal sanno ka hor ayaa nebi Ayuub is weydiiyey su'aasha ah,"Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa? (Ayuub 9:2) Ma taqaanaa sidii uu Ilaahay ugu jawaabey Ayuub? Ma og tahay inaad adigu Ilaahay hortiisa xaq ku noqon kartid? Si aad su'aalahan jawaab ugu heshid la soco barnaamijyadayada aanu Kitaabka Quduuska ah ku baranayno.
Cinwaanka casharkeena maantu waa ILAAHAY WUU HADLAY! Ilaahay, abuuraha adduunka ayaa hadlay! Ilaahay wuxuu la hadlay bini'aadanka, oo Ilaahay wuxuu doonayaa inuu adigana kula hadlo! Ka soo qaad haddii aad waraaq ka heli lahayd boqor waddan oo awood leh, taas adigu ma akhrin lahayd? Ma ka fekeri lahayd wixii uu isagu waraaqdaa kuugu soo qoray? Miyaanay ahayn inaad si ka sii weyn oo ka sii fiican u dhegeysatid, oo uga fekertid marka uu kula hadlayo Ilaaha Weyn ee Abuurrahaaga ahi?
Sidee ayuu Ilaahay dadka ula hadlay? Kitaabka Quduuska ahi wuxuu inoo sheegayaa, "Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii..." (Cibraaniyada 1:1) Haa, mid ka mid ah siyaalihii ugu muhiimsanaa ee Ilaahay bini'aadanka kula hadlay waxay ahayd nebiyadii. Waayihii hore, Ilaahay ayaa niman khaas ah u doortay inay Eraygiisa dadka gaadhsiiyaan, oo kitaabo ku qoraan. Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa, "idinkoo taas horta garanaya in wixii nebiyadii sii sheegeen oo la qoray ayan lahayn micnayn gooni ah. Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay." (2 Butros 1:20,21)
Ilaahay Laftiisu Kitaabbadiisa wuu qori kari lahaa ama malaa'igo ayuu u isticmaali kari lahaa inay qoraan. Laakiinse sidaas muu yeelin. Ilaahay niman caadi ayuu u isticmaalay inay Isaga u qoraan. Nimankan waxaynu u naqaanaa nebiyo. Nebiyadii Ilaahay waxay ahaayeen sidii gacan-yarayaal (secretaries). Ilaahay ayaa wixii ay qori lahaayeen maskaxdooda ku abuuray ama geliyey, oo waxaas ayay Ilaahay u qoreen. Ilaahay wuxuu nebi kasta u oggolaaday inuu Kitaabkiisa ku qoro isaga oo isticmaalaya erayadiisa shakhsi ahaaneed. Ilaahay ayaa muujiyey/soo dejiey eray kasta, laakiinse Ilaahay iskama dhegatirin shakhsiyadii qof ahaaneed ee nebi kasta. Marxalladihii kala duduwanaa ee ay nebiyadii iyo bulshooyinkii ay ku noolaayeen soo mareen ayaa Ilaahay wax inagu barayaa, oo inagala dhex hadlayaa. Qisooyinkan tusaya sida uu Ilaahay dadka uga dhex shaqaynayo oo ula dhaqmayo, ayaa Ilaahay doonayaa inuu innaga inagu tuso Ka uu Isagu yahay iyo sida aynu Isaga ugu soo dhowaan karno.
Muxuu Ilaahay nebiyadii ugu waxyoodey inay Kitaabkiisa Quduuska ah qoraan? Wuu u waxyoodey iyaga si dadku fac kasta u ogaan karaan waxa uu Ilaahay doonayo inay ogaadaan. Ilaahay nebiyadii ayuu la hadlay waayo wuxuu Isagu doonayaa inuu Adiga iyo aniga inagala dhex hadlo wixii ay iyagu qoreen! Wixii ay nebiyadu qoreen oo dhammi faa'iido ayay inoo leeyihiin kuweena maanta nool. Ilaahay wuxuu midkeen kasta ka rabaa inuu ogaado/garto akhbaarka nebiyada.
Dhab ahaantii wax kasta oo nebiyadu qoreen qiimo weyn ayay leeyihiin, waayo waxay u qoreen si ay dadka qarni iyo fac kastaa u gartaan jidka badbaadada ee uu Ilaahay aasaasay ama dejiyey. Ma taqaanaa wixii ay nebiyadii Ilaahay qoreen? Ilaahay wuxuu doonayaa inaynuu Eraygiisa ogaano, oo rumayno, oo adeecno! Erayga Ilaahay wuxuu odhanayaa, "Oo waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa!" (2 Butros 1:19).
Haa waxaa jira kuwo Kitaabka Ilaahay la dirira, iyaga oo leh, "isaga lama aamini karo, oo khaladaad ayaa ka buuxa. Isaga waa la beddeley!" Laakiinse, ka Erayga Ilaahay ee Runta ah la diriraa wuxuu la dagaallamayaa Ilaahay Laftiisa. Bini'aadanku ma beddeli karo Erayga Ilaahay, laakiinse Erayga Ilaahay bini'aadanka wuu beddeli karaa. Ilaahay waa Weyn yahay, oo wuu awoodaa inuu Eraygiisa Abadiyanka ah ilaaliyo. Sidan ayuu Ciise Masiix ku odhanayaa Injiilka, "Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaa!"(Matayos 24:35)
Dad badan ayaa isku daya inay Erayga Ilaahay la dagaallamaan waayo wuxuu fashilayaa xaallada dhabta ah ee qalbiyada kuwaas. U fiirso waxa uu Ilaahay Eraygiisa ku odhanayo, "Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa,oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira." (Cibraaniyada 4:12)
Haa, erayga Ilaahay waa nool yahay, oo waa shaqaynayaa maanta iyo weligiisba. Ma jiro wax Erayga Ilaahay ka muhiimsani oo ka macaani. Laakiinse macaanka iyo wannaaga Erayga Ilaahay ma ogaan karno ilaa aynu isaga ka cuno oo jidhkeena ku nafaqayno, oo uga faa'iideyno. Waa sababtaa ta uu Ilaahay uu odhanayo, "Dadku waa inaanu kibis oo keliya ku noolaan, laakiin waa inuu eray walba oo afka Ilaah ka soo baxa ku noolaado." (Matayos 4:4) Ilaahay wuxuu keliya oo dherginayaa, "kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan." (Matayos 5:6) Adigu Erayga Ilaahay ma u gaajaysan tahay? Erayga Ilaahay waa cunto macaan oo nafaqaynaysa jidhkaaga, ruuxaaga iyo qalbigaaga.
Adigu ma taqaanaa wixii uu Ilaahay Nebiyadiisii u sheegay? Ma ka mid tahay kuwa u gaajaysan oo u harraadsan Erayga Ilaahay iyo xaqnimada runta ah? Eraygiisa quduuska ah ayuu Ilaahay isugu keen muujiyey iyo jidkiisa badbaadada ee xaqa ah. Hubaashu waxaa weeye: Inuu Ilaahay hadlay oo uu doonayo inuu qof kastaa Isaga dhegeysto oo noolaado!
Ilaahay wuxuu yidhi, "Dhegihiinna soo dhiga, oo ii kaalaya, i maqla oo naftiinnuna way noolaan doontaa." (Ishacyaah 55:3) 
La socda qoraalladayada iyo barnaamijyada kale inta aynu sii wadno barashada Jidka Xaqa ah ee Ilaahay. Ilaahay ha idin barakeeyo.

Comments are closed.
    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US