SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Cawaaqibkii ka Dhashay Dembigii Aadan

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 3

Innaga oo sii wadna barashadeenii Towreedda, xasuuso inaynu hore u soo barannay inuu Ilaahay imtixaan sahlan hordhigay Aadan, si uu u eego inuu isagu jacaylka ugu weyn Ilaahay u hayey oo diyaar u ahaa inuu Isaga adeeco. Ka hor intuusan haweeneydii abuurin, Ilaahay wuxuu Aadan ku amray, "Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa." (Bilowgii 2:16, 17) Ilaahay wuu imtixaamay Aadan, oo wuxuu isaga uga digey in ciqaabta adeecid la'aantu dhimasho tahay, iyo Isaga oo uu ka dheeraado. Ilaahay wuu jeclaa Aadan oo wuxuu doonayey inay weligood xidhiidh fiican isla yeeshaan. Laakiinse, waxaynu cashar aynu hore u soo barannay ku soo aragnay inay Aadan iyo Xaawadhegeysteen shaydaankii oo Ilaahay ku dembaabeen kaddib markii ay cuneen geedkii uu Ilaahay ka xaaraameeyey.
Casharkeenan, waxaynu u gudbeynaa barashada cutubka saddexaad ee Kitaabka koowaad ee Towreeda, ee Bilowgii la yidhaahdo, si aynu u aragnowixii dhacay kaddib markii ay Aadan iyo Xaawa ku dembaabeen Ilaahay. Waxaa aayadda 7-aad odhanaysaa, "Oo labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen." (Bilowgii 3:7)
Muxuu ahaa wixii ugu horreeyey ee ay Aadan iyo Xaawa sameeyeen kaddib markii ay Ilaahay ku dembaabeen? Waxay isku dayeen inay ceebtooda iyo dembigooda daboolaan! Waxaynu horeba u soo barannay ka hor intaanay Aadan iyo Xaawa cunin geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta "labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin." (Bilowgii 2:25) Laakiinse hadda sidii ay jidhkooda u arkeen ayaais beddeshey. Waxay Ilaaha Quduuska ah ee iyaga xukumaya hortiisa ku dareemeen ceeb iyo eedaysnaan. Markaa, si ay ceebtooda u qariyaan, waxay isku tosheen caleemo berde oo jidhkoodii ku dabooleen. Laakiinse, caleemihii ay jidhkooda ku dabooleen ma baabi'in karin dembiilenimadii qalbigooda.
Aayadda ku xigta ayaa odhanaysa, "Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda." (Bilowgii 3:8) War sidee tani uga duwan tahay ka hor intaanay Aadan iyo Xaawa dembaabin! Ka hor intaanay Ilaahay ku dembaabin, war farxi jireen mar kasta oo uu Ilaahay iyaga beerta ugu yimaado si uu ula hadlo. Laakiinse, hadda waxay maqleen Ilaahay oo soo socda, ceeb iyo baqdin bayna la gariireen, oo waxay isku dayeen inay Ilaahay kaga dhuuntaan geedihii beerta dhexdooda! Maxay u cabsanayeen oo u dhuumanayeen? Tan jawaabteedu ma adka. Haddii qof xadayo qof kale beertiisa, muxuu samaynayaa hadduu maqlo codka kii beera lahaa oo soo socda? Wuxuu isku deyayaa inuu dhuunto. Sidaas oo kale, Aadan, oo cunay wixii uu Ilaahay xaaraameeyey, ayaa isku deyeyey inuu dhuunto. Aadan si fiican buu u ogaa inuu Ilaahay ku xadgudbey.
Miyay ahayd inuu Aadan cabsado kaddib markuu amarkii Ilaahay jebiyey? Aad iyo Aad! Sabab? Waayo Ilaahay ayaa si toos ah isaga ugu yidhi, "laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa!" Oo Ilaahay eraygiisa ma oofinayaa? Oo markaa runtii Aadan miyuu dhimanayaa? Sidee kula tahay adiga? Dhab ahaantii Ilaahay miyuu ciqaabayaa dadkii uu Isagu Abuuray? Maaha inaynu su'aal kaga jawaabno, laakiinse haddana bal aynu su'aashan kaga jawaabno su'aal kale? Muxuu Ilaahay ku sameeyey Shaydaanka kaddib markii uu isagu amarkiisii diidey? Ilaahay miyuu iska dhaafay Shaydaanka iyo malaa'igihii kale ee la dembaabey? Maya, iyaga iskama deyn! Ilaahay, iyaga hortiisa wuu ka dheereeyey. Taas oo keliya maahee, wuxuu kaloo iyaga u diyaariyey dab naar ah! Sidii Shaydaanka, ayuu Aadanna u diidey amarkii Ilaahay. Ilaahay taas marna iskama indho tirayo.Ilaahay waa quduus waana inuu dembiga xukumaa! Ilaahay marna dembi ma ogolla. Nebi Xabaquuq ayaa qoray, "Rabbiyow, Ilaahaygiiyow, kayga Quduuska ahow...waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid." (Xabaquuq 1:12,13) Haa, "Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa! Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool!" (Cibraaniyadda 10:3,31) Dabeecadda Ilaahay ee quduuska ah ayaa keeneysa inuu Isagu xukumo oo ciqaabo dembi kasta. Sidaas daraadeed, lagama maarmaan bay ahayd inuu Isagu xukumo Aadan iyo Xaawa dembigooda daraadiis. Waana sababtaas ta aynu ayaadda inoogu xigta ka akhrino, "Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?" (Bilowgii 3:9)
Muxuu Ilaahay sameeyey kaddib markii uu Aadan dembaabey? Ilaahay wuxuu raadiyey Aadan, isagoo ugu yeedhaya, "Xaggee baad joogtaa?" Aadan miyuu Ilaahay doondoonay? Maya! Wuxuuse isku deyayey inuu Ilaahay ka dhuunto! Muxuu Ilaahay ugu yeedhay Aadan? Isagu miyuusan ogeyn meesha uu Aadan joogey? Ilaahay, oo arka, oo og wax kasta, si fiican buu garanayey meesha uu Aadan ku dhuumanayey! Ilaahay wuxuu u yeedhay Aadan, waayo Isagu wuxuu doonayey inuu Aadan hortiisa ku garowsado oo ku qirto dembiga uu galay.Ilaahay weli Aadan wuu jeclaa in kasta oo Isaga ku dembaabey.
Muxuu Aadan kaga jawaabey markii uu Ilaahay weydiiyey "Xaggee baad joogtaa?" Qorniinku wuxuu odhanayaa:
"Isagiina {Aadan} wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey. Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin? Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay. Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay." (Bilowgii 3:10-13)
Ma aragtay sida ay Aadan iyo Xaawa ugu jawaabeen Ilaahay? Midba wuxuu isku deyey inuu mid kale eedeeyo. Aadan wuxuu eedeeyey Ilaahay iyo Xaawa labadaba, isagoo leh: Anigu khaladka ma lihi! Haweeneydii aad adigu i siisay--iyada ayaa eedda leh! Xaawana, iyana abeesadii ayay eedaysay iyada oo leh, aniga ha i qabsan--abeesada ayaa i sirtaye! Laakiinse, Ilaahay oo yaqaana quluubta bini'aadanka, ayaa ogaa inay labadooduba eedaysnaayeen. Ilaahay kumuu khasbin iyaga inay midhaha geedka cunaan. Sidoo kale Shaydaankuna iyaga midhaha muu cunsiin. Shaydaanku dadka wuu siri  karaa oo dibindaabyeyn karaa, laakiinse qofna kuma khasbi karo inuu dembaabo. Shaydaanku wuu khiyaaneeyey Xaawa, si kastaba ha ahaatee wixii ay samaysay dembi ayuu Ilaahay hortiisa ka ahaa. Aadanna, Qorniinku wuxuu inoo sheegayaa inaan isaga la khiyaanayn (1 Timoteyos 2:14) Isaga ayaa si ula kac ah u doortay inuu wuxuu rabo sameeyo. Si cad ayuu Aadan u ogaa wixii uu Ilaahay amray, laakiinse wuxuu doortay inuu jidka xaqnimada ka baydho, oo uu raaco jidka xaqdarrada. Oo kuma uu joogsan inuu Ilaahay adeeci waayo, laakiisne dembi ayuu dembigiisii ku sii daray markii uu isku deyey inuu kuwo kale eedeeyo.
Ilaa iyo maanta, dadku waxay weli isku dayaan inay xadgudubyadooda kuwo kale dusha ka saaraan, laakiinse Ilaahay runta wuu og yahay. Qorniinka Quduuska ah ayuu Ilaahay dadka kala dhex hadlayaa, oo weydiinayaa, "Xaggee baad joogtaan? Ii jawaaba! Maxaad samayseen? Maxaad idinku u diidaysaan inaad Eraygayga rumaysaan oo adeecdaan? Maxaad wanaaggayga u nacaysaan? Maxaad dembigiina kuwo kale ugu eedaynaysaan? " 'Anigu waa noolahay', ayaa Rabbigu leeyahay, 'oo jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana Ilaah buu qiri doonaa.' Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa." (Rooma 14: 11,12)
Haddana, aynu cutubkan sii wadna oo aragno sidii uu Ilaahay u xukumay abeesadii, Shaydaankii, Aadan iyo Xaawa. Wuxuu Erayga Ilaahay qorayaa:
"Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan: oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa. Naagtiina wuxuu ku yidhi, Dhibtaada iyo wallacaaga aad baan u badin doonaa; oo dhib baad carruur ku dhali doontaa; oo waxay doonistaadu ahaan doontaa ninkaaga, wuuna kuu talin doonaa. Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa. Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka. Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa." (Bilowgii 3:14-19)
Ma aragtaa cawaaqibka xun ee uu dembigii keenay? Wuxuu keenay murugo iyo xanuun, qodax iyo gocondho, hawl iyo dhidid, xanuun iyo dhimasho. Haa, "Mushahaarada dembigu waa dhimasho!" (Rooma 6:23) Muxuu Ilaahay sheegay inuu Aadan iyo Xaawa ku dhici doono haddii ay wax ka cunaan geedka la xaaraameeyey? "Maalintii aad wax ka cuntaan hubaal waad dhimandoontaan." Isla maalintii ay cuneenba miyaa Aadan iyo Xaawa la xabaalay? Maya. Laakiinse, miyay iyagu isla maalintaa dhinteen? Haa, way dhinteen! Isla maalintaaba, ruuxii Aadan iyo Xaawa maalintaasuu dhintay, waayo iyagu dib dambe xidhiidh Ilaahay ulama sii lahayn.
Sidii aynu hore u soo barannay, dhimashadu waa Ilaahay oo lagaa dheereeyo. Markii ay Aadan iyo Xaawa adeeci waayeen Ilaahay, Ilaahay ayay ka dheeraadeen, Ka Nolosha Bixiya. Markii ay iyagu doorteen inay ibliiska rumeeyaan oo ay isaga raacaan, waxay lumiyeen saaxiibtinimadii ay Ilaahay la lahaayeen iyo qaybtii ay nolosha Ilaahay ku lahaayeen. Iyagu waxay noqdeen cadawyadii Ilaahay waayo Shaydaanka ayay jaal la noqdeen. Kaas oo Ilaahay cadowgiisa ah. Xidhiidhkoodii ay Ilaahay la lahaayeen wuu dhintay. Mid kasta oo Shaydaanka raacaa waa cadowga Ilaahay. Dembiguna qofka iyo Ilaahay wuu kala dheereeyaa.
Inta aynaan casharkeena soo gabagabeyn, waa inaynu tan fahannaa oo xasuusanaa: Dhammaanteen waxaynu adduunkan ku dhalanay innaga oo "kudhimanay xadgudubyadeenna iyo dembiyadeenna" (Efesos 2:1) Oo "ajanabika ah nolosha Ilaah" (Efesos 4:18) Laga yaabee inaynaan tan jeclaysan, laakiinse Erayga Ilaahay sidaas buu odhanayaa. Maalintii uu Aadan adeeci waayey Ilaahay, isagu dembiile ayuu noqday. Aadan, oo dembiile ahaa ayaa bini'aadanka aabbe u ah. Sidaa daraadeed, dembigii Aadan daraaddiis,dhammaan farcankiisuna waa dembiileyaal. Sidan ayuu haddana Erayga Ilaahay tan ka odhanayaa, "Haddaba sida dembigu nin keliya dunida ugu soo galay, dhimashaduna dembiga ugu timid, sidaasaa dhimashadiina u gaadhay dadka oo dhan, waayo, waa la wada dembaabay." (Rooma 5:12)
Nebi Daa'uud ayaa kitaabka Sabuurrada ku qoray, "Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi." (Sabuurradii 51:5) Dembigu waa sida cudurka AIDS-ka. Marka uu AIDS-ku qofka jidhkiisa galo weligiis kama baxo. Oo qofka cudurkaas qabaa wuxuu ku faafin karaa carruurtiisa. AIDS-ku waa dilaa aan weli daawo loo helin. Dembiguna waa sidaas oo kale. Waa dhibaato aad u xun oo dunida aafaysay oo ku faaftay. Dembiguna waa dilaa, kaas qofka u keeni kara inuu abadiyan u halaagmo, oo bini'aadanka laftiisu kan daawo uma hayo.
Laakiinse, Ilaahay ayaynu maanta qalbiyo faraxsan ku ammaanaynaa, waayo Ilaahay Laftiisa ayaa keenay daawadii si uu inooga badbaadiyo ciqaabta dembiga iyo awoodda dembiga. Laakiinse waa inaynu rumayno daawadaa Ilaahay si aynu u helo. Haddii Ilaahay yidhaahdo, casharkeena kan ku xiga ayaynu ku arki doonaa sidii uu Ilaahay, Aadan iyo Xaawa iyo dhammaan farcankooda u siiyey ballanqaad ah Badbaadiye weyn kaas oo adduunka imaan dooney si uu dembiileyaasha uga badbaadiyo dembiyadooda, Shaydaanka iyo naarta.
Ilaahay ha idin barakeeyo inta aad ka fekeraysaan erayadan uu nebi Daa'uud qoray: 
"Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi." (Sabuurradii 51:5)
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US