SOMALI GOSPEL TV
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US

Aadan iyo Xaawa iyo Beertii Jannada

19/8/2016

0 Comments

 

Bilowgii 2

W​axaynu sii wadnaa casharradeenii ku saabsanaa wixii bilowgii dhacay. Casharka maantuna wuxuu ku saabsan yahay Aadan iyo Xaawa.
Waxaynu horeba Towreedda uga soo akhrinay: "Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan." (Baxniintii 20:11). Waxaynu kaloo soo aragnay inuu Ilaahay maalintii lixaad ninkii iyo haweeneydii ugu horreeyey abuuray. Ilaahay wuxuu ninkii siiyey jidh iyo ruux. Ilaahay wuxuu jidhkii ninka ka abuuray ciidda dhulka, dabadeedna wuxuu geliyey naf. Ilaahay ayaa nafta bini'aadanka ka abuuray Isaga u ekaanshihiisa. Tan macnaheedu waa inuu Ilaahay nafta bini'aadanka dhexgeliyey niyad, si uu ninku Ilaahay u garan karo. Ilaahay wuxuu ninkii siiyey qalbi (dareen maskaxiyan) kaas oo uu Ilaahay ku jeclaan karo. Oo wuxuu kaloo ninka siiyey rabitaan (doorasho xor ah), si uu isagu u doorto inuuIlaahay adeeco iyo inuusan adeecin.
Markii uu Ilaahay dhammeeyey abuuritaankii ninkii ugu horreeyey, hawlo kale ayuu qabtay ka hor intaanu shaqadiisii abuuritaanka dhammayn. Hawlahan ayaynu maanta wax ka baranaynaa. Aynu sii akhrino Towreedda, kitaabka Bilowgii 2:7,8: "Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool. Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey."
Erayga Ilaahay wuu inoo sheegayaa sidii uu Ilaahay beertan quruxda badan ugu diyaariyey ninkii uu abuuray. Beerta magaceedu wuxuu ahaa Ceeden amaBeertii Jannada ahayd. Dad ayaa u maleeya inay beertan Ilaahay ninka geeyey tahay Jannada lafteeda. Laakiinse wuxuu Qorniinku si cad inoogu sheegayaa inay beertani adduunka korkiisa ku taaley, dhinaca bari, oo laga yaabo ah waddanka aynu maanta Ciraaq u naqaano. Nebiyadii Ilaahay marnaBeertan jannada ahayd (Ceeden) kuma khaldi jirin Jannada kama dambaysta ah ee Ilaahay horiisa la tegayo ee weligeed la joogayo (Jannada samaawiga ah). Sidan ayuu Erayga Ilaahay aayadahan soo socda inoogu sheegayaa:
"Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta. Ceedenna webi baa ka baxay inuu beerta waraabiyo; halkaasuuna ku kala qaybsamay, wuxuuna noqday afar madax... Rabbiga Ilaah ahuna ninkii {Aadan} wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro." (Bilowgii 2:9,10,15)
 
Markaa waxaynu arkaynaa sidii uu Ilaahay ninkii ugu horreeyey, Aadan, ugu abuuray beer qurux badan oo barwaaqaysan oo uu ku dhex noolaado. Ilaahay wuxuu Aadan beertaa ku dhex siiyey wax kasta oo u baahnaa. Waxaynu kaloo akhrinaa sidii uu Ilaaheena wanaagsani, Aadan ugu aaminay shaqo muhiim ah oo wanaagsan: inuu beerta daryeelo (falo oo dhawro), si uu halkaas si farxad leh ugu noolaan karo.
Arrintii ugu wanaagsaneyd ee beer Ceeden ka dhex dhici jirtey waxay ahayd in, Ilaahay Laftiisu beerta imaan jirey si uu ula hadlo ninkii uu Isagu u ekaanshihiisa ka abuuray. (Bilwogii 3:8). Oo muxuu Ilaahay u soo booqan jirey Aadan? Wuu soo booqday Aadan waayo, sidii aynu hore u soo barannay,Ilaahay wuxuu ninka u abuuray si uu xidhiidh ula yeesho. Ujeeddada Ilaahay waxay ahayd in Isaga iyo  bini'aadanku xidhiidh yeeshaan, oo wada hadlaan, oo isla farxaan, oo weligood isla joogaan. Haa, Ilaahay wuxuu doonayey in bini'aadanku xidhiidh qoto dheer oo wanaagsan oo abadiyan ah Isaga la lahaadaan.
Hadda, waxaa jirta arrin kale oo ay tahay inaynu ogaano oo ku saabsan beertii uu Ilaahay ninkii ugu horreeyey dhex geeyey. Beerta dhexdeeda, Ilaahay wuxuu ku abuuray laba geed oo muhiim ah. Mid waxaa la odhan jirey geedkii nolosha, ka kalena waxaa la odhan jirey geedkii aqoonta wannaaga iyo  xumaanta. Ilaahay geedkii nolosha ayuu beerta ku dhex abuuray si uu Aadan u xasuusiyo inuu Isagu doonayey in ninku nolol weligeed ah Ilaah la lahaado.Geedka aqoonta wanaagga iyo xumaantana, sidan ayuu Erayga Ilaahay ka sheegayaa: "Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa." (Bilowgii 2:16,17)
Muxuu Ilaahay uga xaaraameeyey Aadan inuu cuno geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta? Ma gacan adayg bay ka ahayd? Maya, Ilaahay ma gacan adka. Dhab ahaantiina, Magacyadiisa midkood waa "Kii Deeqsiga ahaa!" (Yacquub 1:5). Ilaahay wuxuu Aadan ku amray inuu geed kasta wax ka cuni karo, hal geed maahee. Kaasi ma amar adag baa? Maya, ma aha. Ilaahay ayaa nimcadiisa weyn daraadeed Aadan siiyey wax kasta oo uu u baahnaa si uu nolol farxad leh ugu noolaado. Wax wanaagsan oo uu isaga ka hakraday ma jirin. Laakiinse, Ilaahay ayaa Isaga oo qorshihiisa aan iinta lahayn raacaya daraadeed, wuxuu Aadan hordhigay imtixaan aad u sahlan, si uu Aadan u siiyo fursad uu ku tuso inuu Ilaahay jecel yahay oo amarkiisa adeecayo. Sida uu Ilaahay Eraygiisa ku odhanayo: "Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa...Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo." (Yooxanaa 14:23,24) Ilaahay wuxuu doonayey inuu imtixaamo jacaylka iyo daacadnimada Aadan. Sababtaas daraadeed buu amarkan sahlan isaga u siiyey. Ilaahay uma abuurin Aadan sidii mishiin (robot) ah oo kale. Wuxuu Ilaahay ninka siiyey qalbi iyo doorasho xor ah si uu isagu iskiis ugu doorto inuu Ilaahay jeclaado oo adeeco.
Muxuu Ilaahay u sheegay Aadan inay ku dhici doonto haddii isagu geedka la xaaraameeyey cuno? Ilaahay wuxuu yidhi, "Laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntidhubaal waad dhiman doontaa!" Markaa, Ilaahay wuu u sheegay in amarkan oo la adeeci waayaa dhimasho sababi doono. Ilaahay wuu jeclaa ninka uu abuuray; markaa erayadan cad buu ugu digay, isagoo leh: Aadanow, haddii aad aniga i adeeci weydid, adigu waad dhiman doontaa waayo qaynuunka quduuska ayaa dhimashada dhigaya, "Nafta dembaabta." (Yexesqeel 18:20)
Laga yaabee inuu midkiin is weydiinayo: Waa maxay dembigu? Qorniinku wuxu odhanayaa: "Dembigu wuxuu yahay caasinimo." (1 Yooxanaa 5:17). "Xaqdarrada oo dhammu waa dembi." (1 Yooxanaa 5:17) "Haddaba kii garanaya inuu wax wanaagsan sameeyo laakiin aan samayn, dembi bay u tahay isaga." (Yacquub 4:17) Dembigu waa "U leexashada jidkaaga." (Ishacyaah 53:6) Dembigu waa wax kasta oo aanu Ilaahay raali ka ahayn. Aayad kalena waxay odhanaysaa, "Mushahaarada dembigu waadhimashada." (Rooma 6:23) Waa maxay dhimashadu? Dad baa u maleeya in dhimashadu tahay jiritaan la'aan; marka wax kasta baaba'aan, oo jiritaankaagu dhammaado. Laakiinse haddii aad kitaabbadii Nebiyada eegtid, waxaad arkaysaa inaanay dhimashadu tan ahayn. Qorniinka, luuqadii af Cibraaniga ee lagu qoray, dhimashadu waxay tusaysaa kala kaxayn/kala soocid (seperation). Dimashadu waa nolosha oo lagaa qaado.
Markii uu Ilaahay ku yidhi Aadan: "Maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhimandoontaa," sidan ayuu Isagu ka wadey: Aadanow, haddii aad geedkaa aan Anigu xaaraameeyey cunto, isla maalintaas ayaad dhiman doontaa, taasi waa: Aniga waad iga dheeraanaysaa, oo xidhiidhkeenii wuu go'ayaa. Haddii aad aniga i adeeci weydid dib dambe xidhiidh dhow iilama lahaan doontid. Anigu quduus baan ahay oo anigu dembiga uma dulqaadan karo iyo kuwa jidkayga diida. Shaydaanka iyo malaa'igihiisii la dembaabey ayaan dibedda u tuuray, sidoo kalena adiga waan ku dayrinayaa haddii aad dembaabtid. Sidoo kale, haddii aad midhahaa la xaaraameeyey cunto naftaadu jidhkaaga way ka baxaysaa (jidh ahaan baad u dhimanaysaa). Oo jidh ahaan oo keliya uma dhimanayside, laakiinse naftaaduna waxay tegeysaa meel loo abuuray Shaydaanka iyo malaa'igihiisa. Halkaas oo aad weligaa iga dheeraanayso oo aanad dib dambe ii arkayn.
Markaa, waxaynu arkaynaa inuu dembigu si xun u gooyo saddex arrimood.Kow, naftaadii ayaa Ilaahay ka go'aysa adduunkan korkiisa. Taasi macnaheedu waa, inaadan adigu xidhiidh la lahayn Ilaaha Quduuska ah dembiga qalbigaaga ku jira daraaddiis. Laba, naftaadii ayaa jidhkaaga ka baxaysa maalinta aad adigu dhimatid. Taas macnaheedu waa inaad adigu jidh ahaan dhimanayso oo ay naftaadu xukunka Ilaahay hor tegeyso. Saddex,naftaada iyo jidhkaaguba weligood Ilaahay way ka go'ayaan, oo dib dambe uma arkayaan oo naartay gelayaan. Haddii la soo gaabiyo, Erayga Ilaahay wuxuu sheegayaa in dhimashadu tahay ka dheeraanta/go'ida Ilaaha nolosha. "Laakiinse xumaatooyinkiinnaa idin kala soocay idinka iyo Ilaahiinna, oo dembiyadiinnaa wejigiisa idinka qariyey, oo saasuusan idiin maqlin." (Ishacyaah 59:2)
Inta aynaan soo gabagabeyn, aynu akhrino inta ka hadhay Bilowgii 2. Erayga Ilaahay wuxuu wax inooga sheegayaa sidii uu Ilaahay u abuuray haweeneydii ugu horreysey:
"Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, 'Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.' Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday. Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii. Ninkiina wuxuu yidhi, 'Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa 'Naag,' maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.  Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh. Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin. (Bilowgii 2:18,21-25)
Sidaa daraadeed, waxaynu ogaaneynaa inuu Ilaahay yahay ka guurkaaasaasay. Ilaahay wuxuu abuuray hal nin iyo hal naag si ay isu jeclaan karaan, oo nolosha u wada qaybsan karaan, oo u yeelan karaan qoys faraxsan oo Ilaahay maamuusa. Ilaahay, oo Aadan aad u jeclaa ayaa doonayey inuu nolol farxad leh ku noolaado, markaasuu isaga siiyey hadiyad aad u wanaagsan:xaas! Ilaahay wuxuu doonayey inuu Aadan xaaskiisa aad u qiimeeyo, oo baahideeda daboolo, oo iyada u jeclaado sida uu naftiisa u jecel yahay. Xataa waxaa taas ka sii muhiimsan, inuu Ilaahay doonayey inay ninka iyo haweeneyduba xidhiidh aad u qoto dheer Isaga la yeeshaan-oo Isaga gartaan, oo jeclaadaan, oo adeecaan weligood iyo weligoodba. (Akhri Efesos 5:21-33; 6:1-4)
Haddaba, Ilaahay hawshiisii abuuritaanka wuu dhammeeyey. Sidan ayaa Eraygiisu odhanayaa:
"Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad. Samada iyo dhulkuna way dhammaadeen, iyo waxa badan ee ku jira oo dhammuba. Maalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba.  Oo Ilaah wuu barakeeyey maalintii toddobaad, quduusna wuu ka dhigay; maxaa yeelay, maalintaas ayaa Ilaah ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey ee ahaa abuuridda oo dhan." (Bilowgii 1:31-2:3)
Muxuu Ilaahay maalintii toddobaad u nastay? Miyuu daaley? Maya, Ilaahay marna ma daalo! Qorniinku wuxuu sheegayaa inuu Ilaahay nastay waayo "shuqulkiisii buu dhameeyey!" Oo wax kastaana way aad bay u wacnaayeen. Waana sababtaas tii Ilaahay maalintii toddobaad u uga nastay (u joojiyey) hawshiisii abuuritaanka. Waana sababtaas ta uu usbuucu uga kooban yahay toddoba maalmood.
Ilaahay ha idin barakeeyo, idinka oo ka fekeraya aayaddan Erayga Ilaahay ku qoran: 
"Mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah...!" (Rooma 6:23a) 
0 Comments

Your comment will be posted after it is approved.


Leave a Reply.

    "Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyin-
    kaygana iftiin. Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah." (Sabuurradii 119:105)

     "Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way sii waartaa." (Sabuurradii 107:1)

    "Markaasaa Ciise wuxuu Toomas ku yidhi, Anigu waxaan ahay jidka iyo runta iyo nolosha. Ninna Aabbaha uma yimaado, xaggayguu ku yimaado maahee."
    ​
    (Yooxanaa 14:6
    )

    "Waayo, mushahaarada dembigu waa dhimashada, laakiinse hadiyadda Ilaah waa nolosha weligeed ah ee laga helo Rabbigeenna Ciise Masiix."
    ​(Rooma 6:23)
    "Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene."
    (2 Korintos 5:17)
    "Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa." (Filiboy 4:4) 
    ​"Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaad deriskaaga jeclaatid oo cadowgaaga necbaatid, 
    laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya."
    ​
    (Matayos 5:43,44) 

    "Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah." (Rooma 3:23)
    "Laakiinse Masiixu waa inoo dhintay intaynu weli dembilayaal ahayn, oo sidaasuu Ilaah jacaylkiisii inoogu muujiyey." (Rooma 5:8) 
    "Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa."
    (Fallimaha Rasuullada 1:11)
     
Links
Somali Christian Women
Nolosha Cusub

Middle East Resources (English)

​© COPYRIGHT 2022 somalibelievers.com
​
  • HOME
  • SOMALI BIBLE
  • BIBLE STUDY
  • BLOG
  • CONTACT US